Muqdisho (Adduun.com) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiis iskaashi oo dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga khayraadka badda iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga, kaas oo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso si loo horumariyo ilaha dhaqaale ee badda ku saleysan.
Hirgelinta heshiiskan ayaa ku timid is-afgarad ay hore u gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Recep Tayyip Erdogan, kuwaas oo si wadajir ah u muujiyay muhiimadda iskaashi dhow oo labada dal yeeshaan.
Iskaashigan ayaa horseeday aasaaska shirkadda SOMTURK bishii Diseembar 2025, taas oo ka dhalatay wada-shaqeyn dhex martay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo shirkadda Turkiga ee OYAK.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa sheegay in shirkadda SOMTURK ay door weyn ka qaadan doonto nidaaminta iyo bixinta rukhsadaha kalluumeysiga caalamiga ah ee ka dhaca Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (EEZ) ee Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu xusay in shirkaddu ay si dhow ula shaqeyn doonto Wasaaradda Kalluumeysiga, isla markaana ay gacan ka geysan doonto la-dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah iyo xoojinta awoodda ciidamada badda ee dalka.
Ugu dambeyntiina, Wasiir Jibriil ayaa tilmaamay in heshiiskan uu sidoo kale door muhiim ah ka qaadan doono ilaalinta xeebaha dalka iyo horumarinta kaabeyaasha kalluumeysiga, taas oo kor u qaadi doonta dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa hore u kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo la xiriira amniga badda, difaaca iyo iskaashiga milatari, kuwaas oo la filayo inay sii xoojiyaan awoodda Soomaaliya ee ilaalinta biyaha iyo khayraadka ku jira.









