Connect with us

News

Guriga loo dhisay FARMAAJO oo maanta xarigga laga jaray – Imisa ku baxday?


Marka (Adduun.com) – Waxaa maanta si rasmi ah xarigga looga jaray guri ay shacabka Soomaaliyeed ku maamuuseen Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida uu sheegay xafiiska Madaxweynihii hore ee Farmaajo, gurigan ayaa lagu hirgeliyay olole qaran oo ay maalgelinayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka.

Gurigan ayaa laga dhisay deegaanka taariikhiga ah ee Ceeljaalle, oo ka tirsan degmada Marka.

“Olalaha “Mahadsanid Madaxweyne” waxa uu astaan u yahay baraarugga shacabka Soomaaliyeed iyo doorkooda ilaalinta daahfurnaanta, maamul-wanaagga iyo ammaanada qaran, iyadoo muujinaysa dhaxalkii dowladnimada ee uu dhidibbada u taagay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa mahadnaq ballaaran u jeediyay dhammaan muwaadiniintii ka qayb qaadatay ololaha lagu dhisay gurigan.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed shibil iyo ciidanba ee ka qeyb qaatay olalahan waan uga mahad-celinayaa, anigoo adkaynaya farriinta aad muujiseen ee ah in dowladnimadu ay tahay hanti ay wada leeyihiin muwaadiniinteennu, ayna wax kasta oo qaali ah u hurayaan markii ay arkaan hoggaan u adeegaya danahooda, kana shaqaynaya dib u soo celinta qarannimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.

Dhagax-dhigga mashruucan ayaa la sameeyay 21-kii Luulyo 2023, iyadoo dhismaha guriga loogu magac daray Mahadsanid Madaxweyne uu ku kacay $295,000, sida uu sheegay xafiiska Madaxweynihii hore.

“Wadarta guud ee kharashka ay soo ururiyeen shacabka Soomaaliyeedna ayaa gaaraya $300,000, halka kharashka dhismaha gurigu noqday $295,000.”

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News