Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Guddoomiye Muungaab oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Guddoomiye Muungaab oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis


Muqdisho (Adduun.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta wareegto soo saaray ayaa sameeyay xil-ka-qaadis iyo magacaabis agaasimayaal.

Wareegtada ayaan waxaa Cabdisalaan Daahir Magan loogu magacaabay inuu noqdo agaasimaha waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Gobolka Banaadir, waxaana xilkaas horay u hayay oo laga qaaday Cabdicasiis Goodax Barre.

Sidoo kale Ismaaciil Faarax Diiriye ayaa isna loo magacaabay agaasimaha waaxda Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir, iyada oo xilkaas laga qaaday Cabdirisaaq Axmed Salaad.

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta cuusub in ay mudnaan siiyaan horumarinta caasimada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.

Sidoo kale Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa labada agaasime u rajeeyay in ay dardargeliyaan hawlaha loo idmaday oo muhiim u ah Gobolka.

Isbeddalkan ayaa la xiriira dardargelin shaqo, si horay loogu wado shaqada labadaan xafiis oo muhiim u ah dowladda hoose, sida lagu sheegay qoraalka.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan ku ku dhowaaqay tallaabooyin lagu hormarinayo howlaha maamulkiisa, laguna xoojinayo nadaafadda caasimadda, taas oo ka mid ah mashaariicda mudnaanta u leh horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda Muqdisho.

Si kastaba, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe waday qorsheyaal waa wayn oo lagu hormarinayo caasimada, waxaana dib loo dhisay waddooyin muhiim ah iyo xarumo dadweyne oo ku yaal magaalada Muqdisho.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard