Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Guddoomiye Muungaab oo caawa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Guddoomiye Muungaab oo caawa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay…


Muqdisho (Adduun.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo caawa munaasabad afur ah u sameeyay xubnaha Naadiga Kubadda Cagta Dowladda Hoose ee MCC, ayaa guddoonsiiyay abaalmarin lacageed.

Munaasabadda, oo ahayd mid dhiirrigelin iyo garab istaag rasmi ah loogu muujinayay kooxda ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, maamulka Naadiga MCC iyo halyeeyo hore oo isboorti.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda u garab taagan yahay Naadiga Kubadda Cagta MCC, isaga oo kooxda ku wareejiyay 10,000 oo doolar.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dhiirrigelinta iyo horumarinta ciyaaraha, kuwaas oo uu ku tilmaamay astaan nabadeed iyo midnimo bulsho, isagoo si gaar ah u xusay in la taageerayo Naadiga MCC oo metela magaca Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Maamulka Naadiga Kubadda Cagta MCC ayaa dhankooda uga mahadceliyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho taageerada joogtada ah ee uu siiyo kooxda, oo ay ku jirto garoon dhawaan loogu deeqay.

Waxay sidoo kale madasha ku soo bandhigeen saddex koob oo ay qaadeen muddadii uu xilka hayay Guddoomiye Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kuwaas oo uu ugu dambeeyay Koobka Jeneraal Daa’uud, kaas oo 2-da bishan Febraayo ay ka qaadeen Naadiga Ciidanka Xoogga Dalka ee Horseed. Tani waxay sidoo kale ka dhigtay in kooxdu hanato koobkii 31-aad ee Jeneraal Daa’uud.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Muungaab ayaa tilmaamay in uu wado qorshe sare loogu qaadayo mushaharka ciyaartoyda, maadaama ay sumcad iyo guulo la taaban karo ka soo hooyeen fagaarayaasha ciyaaraha, isla markaana ay mudan yihiin dhiirrigelin dheeraad ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard