Muqdisho (Adduun.com) – Guddiga Olimbikada Caalamka (IOC) ayaa si rasmi ah uga jawaabay warqad uu u diray Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali, taas oo la xiriirtay xaaladda Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ee GOS. Jawaabta Guddiga Olimbikada Caalamka ee IOC oo nuqulkeeda ay aragtay Adduun.com, ayaa si cad u muujinaysa in Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ee GOS uu ku taagan yahay sharciyaddiisa, islamarkaana uusan jirin wax khalad maamul ama ku-xadgudub awoodeed ah oo ka dhacay.
Xaanshida oo ku taariikheysan 12 Janaayo 2026, kana soo baxday Xarunta IOC ee magaalada Lausanne, Switzerland, ayaa lagu xaqiijiyey in Guddiga Olimbikada Caalamka ee IOC ay si taxaddar leh u eegeen cabashada ka timid Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, islamarkaana ay la xiriireen GOS si waafaqsan hab-raacyada IOC.
Guddiga Olimbikada Caalamka ee IOC ayaa waxay si cad u sheegeen in Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ee GOS uu ku jiro xaalad wanaagsan (good standing) isla markaana uu si buuxda ugala xisaabtamo Guddiga IOC dhammaan arrimaha maamul iyo adeegsiga taageerada dhaqaale ee IOC bixiso.
Qodobkan ayaa meesha ka saaraya tuhun kasta oo la xiriira maamul-xumo ama ku takri-fal dhaqaale oo uu Wasiirku u jeedinayay GOS. Sidoo kale, IOC waxay xaqiijisay in GOS uu ku shaqeynayo dastuurkiisa la ansixiyey, isla markaana uu si dhow ula shaqeeyo xiriirrada ciyaaraha xubnaha ka ah, kuwaas oo si rasmi ah ugu xiran xiriirrada caalamiga ah ee ciyaaraha.
Warqadda IOC waxay si xooggan u xoojisay mabda’a aasaasiga ah ee Olympic Charter (Axdiga Olimbikada) oo dhigaya in dhaqdhaqaaqa Olimbikada uu ka madax-bannaan yahay faragelin dowladeed.
IOC waxay ku talisay in Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ee GOS ay wada fariistaan si loo xaliyo isfaham-darrada, balse waxa ay si qayixan u xustay in arrimaha GOS lagu maamulo si waafaqsan xeerarka Olimbikada, iyadoo la ilaalinayo kala madaxbannaanida labada dhinac. Tani waxay ka dhigan tahay in IOC aysan aqbalin in faragelin toos ah lagu sameeyo hawlaha gudaha ee GOS.
Dukumenti kale oo ay aragtay Adduun.com oo ka hadlaya ajendaha Olimbikada (Olympic Agenda) soona baxay 2020, gaar ahaan faqradiisa talo-soo-jeedinta 28-aad ayaa si faahfaahsan u qeexaya sida Guddiga Olimbikada Caalamka ee IOC u arko xiriirka ka dhexeeya dowladaha iyo guddiyada olimbikada ee dalalka.
Qodobada ku jira dukumentigan waxay si cad u tilmaamayaan:
* In dowladuhu ay taageeri karaan ciyaaraha balse aysan faragelin karin go’aamada maamul ee Guddiyada Olimbikada.
* In Guddiyada Olimbikada ay leeyihiin madaxbannaani buuxda oo ay ku maamulaan arrimahooda gudaha.
* In xiriirka saxda ah yahay wadashaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo kala xuduudeyn awoodeed.
Jawaabta IOC ayaa u muuqata fariin cad oo ku socota Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, taas oo muujinaysa in cabashadii la gudbiyay aysan wax saameyn ah ku yeelan sharciyadda iyo aqoonsiga GOS ee heer caalami.
IOC ma aysan arkin wax sabab ah oo keeni kara in tallaabo laga qaado GOS, taasi beddelkeedana waxay ku boorrisay labada dhinac in ay xalliyaan khilaafka jira iyagoo ilaalinaya xeerarka Olimbikada.
Arrintan ayaa loo arkaa guul weyn oo u soo hoyatay Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ee GOS, maadaama uu helay garab-istaag toos ah oo ka yimid hay’adda ugu sarreysa ciyaaraha caalamka, taas oo xaqiijisay in GOS uu ku taagan yahay waddadii saxda ahayd.
Waxay sidoo kale muujineysaa in isku-day kasta oo lagu doonayay in lagu farageliyo ama lagu wiiqo madaxbannaanida GOS uusan helin taageero caalami ah.
Xiisadda u dhaxeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa u muuqata mid hadda u gudubtay marxalad cusub, kadib markii IOC (Guddiga Olimbikada Caalamka) uu si rasmi ah u kala caddeeyay mowqifkiisa.
Indhaha ayaa hadda ku wajahan sida Wasaaradda uga falcelin doonto talada IOC, iyo in labada dhinac ay u hoggaansami doonaan mabda’a wadashaqeyn iyo ixtiraam ku dhisan xeerarka Olimbikada.
