Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Goorta la qabanayo doorashada deegaanka iyo wakiillada K/Galbeed oo la shaaciyay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Goorta la qabanayo doorashada deegaanka iyo wakiillada K/Galbeed oo la shaaciyay


Baydhabo (Adduun.com) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xilliga ay dhaceyso doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in 28-ka bishan April ay tahay maalinta loo qorsheeyay in deegaannada Koonfur Galbeed ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas oo noqoneysa mid si toos ah ay dadweynuhu ugu codeynayaan wakiilladooda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka ay muddooyinkii dambe wadeen diyaar-garow xooggan oo la xiriira qabashada doorashadan, isla markaana la diyaariyay goobihii codbixinta, agabkii doorashada iyo shaqaalihii ka howlgeli lahaa.

Sidoo kale wuxuu shaaciyay in guddigu ay go’aamiyeen in la kordhiyo waqtiga ay xirmayso diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si muwaadiniinta aan weli is-diiwaangelin ay u helaan fursad dheeraad ah oo ay isku diiwaan-geliyaan, ugana qeyb qaataan doorashada.

“Waxaan bulshada u xaqiijineynaa in 28-ka bishan April ay tahay xilliga rasmiga ah ee ay billaabaneyso doorashada qof iyo codka ah ee laga qaban doono Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan.

Shaacinta jadwalkan doorasho ayaa imaanaysa saacado kadib markii Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka uu ka degay Baydhabo, isla markaana uu madaxtooyada Koonfur Galbeed ku kulmay hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka, Jabriil Cabdirashiid Xaaji.

Kulankaas ayaa looga hadlay u diyaar-garowga ugu dambeeya ee doorashada, arrimaha amniga, wacyigelinta bulshada iyo sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd jawi nabdoon, hufan oo ay ku kalsoonaan karaan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada.

Doorashadan ayay dowladdu ku tilmaamtay mid muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka, iyadoo la filayo in kumannaan qof ay ka qeyb qaataan codbixinta, taas oo qeyb ka ah qorshaha Dowladda Federaalka ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard