Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Golaha Wasiirradda oo xilkii ka qaaday taliye Odowaa mid kalena magacaabay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Golaha Wasiirradda oo xilkii ka qaaday taliye Odowaa mid kalena magacaabay


Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Wasirrad Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa goordhow ka xilkii qaaday Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, iyada oo taliska loo magacaabay sarkaa kale oo dhalinyaro ah.

Sida ogaatay Adduun.com, waxaa xilka Taliyaha Xoogga dalka loo magacaabay Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed oo sarkaal da’yar ah oo kamid ah Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ibraahim ayaa hadda haystay qeybta taakulada ee Ciidanka Xoogga Dalka, waana sarkaal tababar sare kusoo qaatay dalka Turkiga

Isbeddalkan ayaa yimid, kadib soo jeedin ka timid dhinaca Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taas oo ay ansixiyeen golaha wasiirradu.

Golaha wasiirrada ayaa u mahadceliyay Odawaa oo soo shaqeeyay, iyaga oo sidoo kale taliyaha cusub faray inuu la yimaado dardar shaqo oo ku aadan ciidamada iyo xoojinta howlgallada xoreynta ee haatan ka socda dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in isbeddalka uu sii socon doono, isla markaana uu gaari doono ku xigeenada taliska ilaa abaanduulka Ciidanka Xoogga Dalka.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla markaana dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo culus, sidoo kalena dalka ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada oo laga xoreeyay dhul ballaaran.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard