Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Golaha Wasiirrada oo magacaabay guddi cusub oo ka shaqeynaya… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Golaha Wasiirrada oo magacaabay guddi cusub oo ka shaqeynaya…


Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah dowlad-dhisidda iyo amniga dalka.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa lagu meel-mariyey magacaabista guddi cusub oo heer wasiir ah, kaas oo loo xilsaaray la-dagaallanka tahriibka, si loo xoojiyo dadaallada ka hortagga tahriibinta dadka.

Guddigan cusub ayaa ka kooban lix wasaaradood iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqayn doona arrimaha la xiriira tahriibka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay axdiga dhisidda hay’adaha caalamiga ah ee dhexdhexaadinta, kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Kulanka waxaa kale oo lagu meel-mariyey xeer-nidaamiyaha diiwaangelinta gaadiidka badda, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda amniga dalka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta ah.

Golaha ayaa ugu dambeyn bogaadiyey guulaha ay ciidamada qalab-sida ka gaareen dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, gaar ahaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Jabad-Godane, halkaas oo Shabaabka looga dilay in ka badan 550 horjooge, oo ay ku jiraan 80 ajaanib ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard