Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Golaha Wasiirrada oo ansixiyay 7 heshiis iyo safiirro cusub + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay 7 heshiis iyo safiirro cusub + Sawirro


Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay heshiisyo caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal, kuwaas oo muhiim u ah dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed laga soo saaray kulanka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa guddoomiyay shirka, waxaana si buuxda uga qayb-galay xubnaha Golaha Wasiirrada oo cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay todobo heshiis oo lala soo galay dowlado kala duwan, waxa ayna kala yihiin;-

1- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka Baasaboorka Diblumaasiga kaasi oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan.

2- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka kuna saabsan arrimaha caafimaadka.

3- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan Habraaca dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika.

4- Heshiiska 1965 ee fududeynta Socdaalka Caalamiga ah ee Gaadiidka Badda (Fal 1965).

5- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isbaaniya kuna saabsan wadatashiyada siyaasadeed, iyo Xeer-nidaamiyehiisa.

6- Heshiis u dhaxeeya Soomaaliya iyo hey’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka ee ku saabsan dhaqangalinta dammaanadaha la xiriira heshiiska ka hortagga ee faafitaanka hubka niyuukleerka, iyo barakatooladiisa dheeraadka ah.

7- Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka Ganacsiga sharci Darrada ah ee Daawooyinka Maanka dooriya iyo kuwa maanka saameeya, 1988.

8- Siyaasadda Maareynta wax-qabadka mideysan ee hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulankooda ku ansixiay in safiirrinimo loo dalacsiiyo labo mas’uul oo kala ah Mudane Aadan Isaaq Cali iyo Mudane Cabdifataax Sh Axmed Cabdimannaan.

Danjireyaasha la magacaabay laguma qorin dalal, waxaase loo dalacsiiyay derajada Safiirnimo, sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda uga hadlay amniga dalka, gurmadka xaaladda abaaraha, hawlgaladdii ugu dambeeyay ee ciidamadda xoogga dalka ay kula wareegeen deegaanno horleh, iyo warbixinno ku saabsan nidaamka casriyaynta dowladda iyo dardargalinta adeeg bixinta dowladda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard