Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta yeeshay kulan fogaan arag ah ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 6 qodob oo xasaasi ah, kaas oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.
Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladahii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, abaaraha, la dagaalanka aragagixisada iyo dardargalinta doorashooyinka qof iyo cod ee Golaha deegaanka iyo Dowlad Goboleedyada.
Golaha ayaa isku raacay in lasii dardargeliyo dadaallada ku aadan hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, lagana bilaabo dowlad-goboleedyada, si loo soo doorto goleyaasha deegaanka ee degmooyinka.
Sidoo kale, Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay xubnaha mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ee lagu soo dhaweeyay gogosha wadatashiga ee uu dhawaan iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;
GOLAHA WADATASHIGA QARANKA (GWQ)
WAR-MURTIYEED
24-Jannaayo 2026: HORDHAC
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag ah ku yeesheen maanta oo taariikhdu tahay Janaayo 24, 2026. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Axmed Aw-Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga hadley xaaladahii ugu dambeeyay dalka gaar ahaan dadaalada Dowladda Federaalka ee adkeynta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xaaladda abaaraha, la dagaalanka aragagixisada iyo dardargalinta doorashooyinka qof iyo cod ee Golaha deegaanka iyo Dowlad Goboleedyada.
Goluhu Wadatashaga Qaran markuu arkey:
Wuxuu soo saarey qodobadan:-
- Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ee ku aaddan ilaalinta iyo dhowrista gobonnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeena.
- Goluhu wuxuu bogaadiyey qabsoomiddii doorashadii Golaha deegaanka Gobolka Banaadir iyo waaya-aragnimadii laga dhaxlay, wuxuuna isla gartay dardar gelinta doorashooyinka golayaasha deegaannada ee dowlad goboleedyada.
- Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa ayidaada Golaha Mustaqabalka ee casuumadii gogosha wadatashiga Qaran ee ay ku baaqday Xukuumadda 1-da Febraayo 2026.
- Goluhu wuxuu bogaadinayaa guulaha ay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaaladii u dambeeyay ee Khawaarijta lala galay.
- Goluhu wuxuu ku baaqay gurmadka xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka.
- Ugu danbeyn, Goluhu wuxuu ugu mahadcelinayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada caalamka ee garab istaagaa xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobannimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
