Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Golaha Mustaqbalka oo shir deg-deg ah yeelanaya + Ujeedka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Golaha Mustaqbalka oo shir deg-deg ah yeelanaya + Ujeedka


Muqdisho (Adduun.com) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berri oo Jimco ah ay yeehaan shir deg-deg ah, kaas oo ay isugu imaanayaan xubnaha golaha oo si weyn uga soo horjeedo dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga arrisan doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha Dastuurka.

Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Golaha Mustaqablka ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyay in shirka diiradda lagu saari doono tallaabada xigta ee ay qaadayaan madaxda Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka, maadaama ay fashilmeen wada-hdalladii ay kula jireen madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in Golaha uu farriin la wadaago shacabka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan marxaladda adag ee uu dalku ku jiro, iyada oo xilligan ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso labada dhinac.

Xubnaha Golaha Mustaqabalka ayaa sidoo kale kulankan isku macsalaameyn doono, iyada oo madaxweyne Saciid Deni uu dib ugu laaban doono Garoowe, halka Axmed Madoobe oo isagu Isniintii ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli si weyn isha loogu hayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana ay dadka ay is weydiinayaan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda, maadaama waqtigii uu gabagabo yahay, hadane heshiis laga gaari waayay, sida loo wajahayo waqtiga kala guurka.

Golaha Mustaqbalka ayaa horay xudunta is-mariwaaga iyo kala aragti duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ka ah ee 2012 uu yahay aas aaska sharciga ee dalka u dagsan, wax ka beddalkiisana uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dhanka kale ay dowladdu taas beddalkeeda ku adkeysatay in aysan cidna u joojineyn wax ka beddalka, siina wadi doonto.

Arrinta labaad ee fashilka keentay ayuu goluhu ku sheegay in sidoo kale ay ku adkeysteen in doorashada Dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo mabaadii’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya, taa beddalkeena iyaduna waxay dowladdu dooneysay in doorashooyinka saddexda Maamul-goboleed lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan Dastuurka wax ka beddalkiisa la’isku haysto, waxayna taasi dhalisay in ugu dambeyn lagu kala tego shirka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard