Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Golaha Mustaqbalka oo ku dhawaaqay go’aan dalka looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Golaha Mustaqbalka oo ku dhawaaqay go’aan dalka looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah


Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shirweyinihii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda golaha, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, siyaasiyiin, iyo waxgarad ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shirweynaha oo loogu magac daray “Difaaca Dastuurka” ayaa looga dooday muddo-dhaafka dowlad-goboleedyada iyo hubanti la’aanta ku gadaaman doorashooyinkooda iyo saamaynta taban ee arrimahaasi ku leeyihiin in dalku si nabad ah uga gudbo marxaladda kala-guurka siyaasadeed.

Sidoo kale, shirka ayaa looga hadlay abaaraha ba’an ee dalka ka jira, kuwaas oo saamayn xooggan ku yeeshay dad iyo duunyo intaba.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirweynaha mucaaradka, ayuu Golaha Mustaqbalka uga dhawaaqay inay fidinayaan gogol dalka looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah marka la gaaro 14-ka April 2026.

Shirweynuhu wuxuu cambaareeyay wax-ka-beddelka hal-dhinaca ah sharci darradana ah ee lagu sameeyey Dastuurka, wuxuuna madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan tallaabooyinkaas, ayna ogaadaan in lagula xisaabtami doono.

“Dastuurku waa heshiis bulsho iyo xarigga isku haya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, uuna yahay aasaaska dowladnimada,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Waxa uu shirweynuhu si adag uga horyimid in wax-ka-beddel kasta oo aan sharciga loo marin, isla markaana aysan u dhamayn dowlad-goboleedyada iyo saamilayda kale ee siyaasada, wadatashi wax ku ool ahna lagala yeelan dadweynaha uu wiiqayo ujeedkii dastuurka loo sameeyey.

“Waa in doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee muddo-dhaafka ah si degdeg ah loo qabto, iyadoo la raacayo Dastuuradooda iyo mabaadi’da Dastuurka Federaalka ee kala soocaya awoodaha labada heer ee dowladeed.”

Bayaanka ayaa si cad loogu sheegay in qorshayaasha guracan dowladda oo ugu horreeyo dastuurka ay abuurayaan cawaaqib hor leh oo qalalaase iyo jahawareer ku keena nabadda, dowlad-dhiska iyo midnimada qaranka.

Ugu dambeyntiina, Shirweynuhu wuxuu ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

Shirweynaha Difaaca Dastuurka Dalka oo ay isugu yimaadeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, mudanayaal ka tirsan Golaha Baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin, iyo waxgarad ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada, kuna qabsoomay magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikhdu tahay 27 Febraayo 2026, ayaa diiradda lagu saaray wax-ka-beddelka sharcidarrada ah ee Dastuurka ku-meelgaarka ah ee dalka.

Shirweynaha waxaa lagu dhageystay warbixinno iyo caddaymo la xiriira habraaca qardajeexa ah ee loo maray hannaanka uu Dastuurku dhigayo in dib-u-eegistiisa iyo wax-ka-beddelkiisa loo maro. Sidoo kale, shirku wuxuu ka dooday:

1- Muddo-dhaafka dowlad-goboleedyada iyo hubanti la’aanta ku gadaaman doorashooyinkooda iyo saamaynta taban ee arrimahaasi ku leeyihiin in dalku si nabad ah uga gudbo marxaladda kala-guurka siyaasadeed;

2- Iyo abaaraha ba’an ee dalka ka jira, kuwaas oo saameyn xooggan ku yeeshay dad iyo duunyo intaba.

Warbixinada lagu soo bandhigay shirweynaha waxay muujinayaan masuuliyad-darrida madaxda sare ee dalka gaar ahaan Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha Dastuurka, iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee hoggaamin lahaa dheelitirka laanta fulinta ay isku kaashadeen ku xadgudubka Dastuurka iyo xeer-hoosaadyada Baarlamaanka.

Shirweynaha waxaa sidoo kale la horkeenay caddeymo muujinaya in in ka badan 50 xildhibaan si sharci-darro ah looga hor istaagay ka qeybgalka fadhiyada Baarlamaanka, sababo la xiriira mowqifkooda ka dhanka ah hannaanka aan waafaqsanayn Dastuurka ee loo maray wax-ka-beddelkiisa.

Waxaa si gaar ah loo tilmaamay jebinta qodobbadan:

1) In la baalmaray dhammaan habraacyadii wax-ka-beddelka Dastuurka ee uu qeexayo Qodobka 134aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah.

2) In aan la xaqiijin heshiis ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee ku saabsan qodobbada aasaasiga ah, sida:

a) Hannaanka Amniga Qaranka
b) Hannaanka Garsoorka;
c) Nidaamka Maaliyadda Guud;
d) Xadaynta, qoondaynta iyo adeegsiga awoodaha, khayraadka dabiiciga iyo dakhliga labada heer ee federaalka iyo dawlad goboleedka.

3) In aan la qaban la-tashiyo dhab ah oo ay dadweynuhu si macno leh kaga qeybqaateen doodaha iyo aragtiyada la xariira dib-u-eegista Dastuurka.

Shirweynuhu wuxuu caddeeyay in Dastuurku yahay heshiis bulsho iyo xarigga isku haya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waana aasaaska dowladnimada; wax-ka-beddel kasta oo aan sharciga loo marin, isla markaana aysan u dhammayn dawlad-goboleedyada iyo saamilayda kale ee siyaasada, wadatashi wax ku ool ahna lagala yeelan dadwaynaha wuxuu wiiqayaa ujeedkii dastuurka loo sameeyey, wuxuuna abuurayaa caqabado horleh oo qalalaase iyo jahawareer ku keena nabadda, dowlad-dhiska iyo midnimada qaranka.

Go’aannada Shirweynaha:

1) Shirweynuhu wuxuu cambaareynayaa wax-ka-beddelka hal-dhinaca ah sharcidarradana ah ee lagu sameeyey Dastuurka, wuxuuna madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan tallaabooyinkaasi, ayna ogaadaan in lagula xisaabtami doono.

2) In Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee 2012 uu yahay Dastuurka rasmiga ah ee dalka, isla markaana aan wax-ka-beddel sharci-darro ah lagu sameyn karin.

3) In doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee muddo-dhaafka ah si degdeg ah loo qabto, iyadoo la raacayo Dastuuradooda iyo mabaadi’da Dastuurka Federaalka ee kala soocaya awoodaha labada heer ee dowladeed.

4) In maadama madaxweynaha Dowladda Federaalka uu diiday in heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka, muddo xileedka laba aqal ee Baarlamaankuna ku egyahay 14-ka Abriil, uu Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed 10-ka bisha Abriil fidin doono gogol lagu badbaadinayo dawladnimada Soomaaliya.

5) Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

-DHAMMAAD-

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard