Connect with us

News

Golaha Mustaqbalka oo dalab culus kasoo saaray xiisadda Baydhabo


Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa bayaan adag kasoo saaray dagaalka labadii maalmood ee u dambeeyay ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Golaha ayaa walaac xooggan ka muujiyay dagaalkan oo sababay khasaare kala duwan, wuxuuna si cad u sheegay in xalka arrinta Baydhabo ka dhacday ay tahay in doorasho si degdeg ah loo qabto.

“Goluhu wuxuu xasuusinayaa in muddadii sharciga ahayd ee maamulka Koonfur Galbeed ay dhammaatay, isla markaana aysan jirin sharciyad lagu cusboonaysiiyay muddo-xileedka. Arrintan waxay maamulka gelisay firaaq sharci, nuglaansho siyaasadeed iyo ku-tiirsanaan Villa Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay dayacday mas’uuliyaddii dastuuriga ahayd iyo xilkii ka saarnaa ilaalinta nidaamka dowladnimo iyo kala dambeynta sharciga, taas oo ayandarro uu ku tilmaamay goluhu.

“Waxaa walaaca Golaha sii xoojinaya aamusnaanta dowladda federaalka ee ku aaddan dagaalka labadii maalmood socday, taasoo tilmaam ka bixinaysa jihada uu dalku aadi karo, haddii aan heshiis la gaarin ka hor inta uusan dhammaan muddo-xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.”

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu walaac xoogan ka muujinayaa dagaalka labadii maalin ka socday magaalada Baydhabo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Colaaddu waxay halis toos ah ku tahay nolosha muwaadiniinta, waxay burburinaysaa hantida danta guud iyo tan shacabka, waxay dhaawacaysaa wada-noolaanshaha bulshada, waxayna si weyn u wiiqaysaa kalsoonidii dadweynaha ee hay’adaha dowliga ah.

Xiisaddani waxay kusoo beegmaysaa xilli dalka uu wajahayo abaar ba’an, khataro amni oo ay ka mid tahay argagixiso, iyo hubanti-la’aan siyaasadeed.

Goluhu wuxuu xasuusinayaa in muddadii sharciga ahayd ee maamulka Koonfur Galbeed ay dhammaatay, isla markaana aysan jirin sharciyad lagu cusboonaysiiyay muddo-xileedka. Arrintan waxay maamulka gelisay firaaq sharci, nugayl siyaasadeed iyo ku-tiirsanaan Villa Soomaaliya.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu aaminsan yahay in jidka keliya ee Koonfur Galbeed uga bixi karto hubanti-la’aanta sharci iyo nuglaanta siyaasadeed ay tahay qabashada doorasho loo dhan yahay, daahfuran, isla markaana lagu heshiiyo.

Waxaa ayaandarro ah in dowlada Federaalka ay dayacday mas’uuliyadii dastuuriga ahayd iyo xilkii ka saarnaa ilaalinta nidaamka dowladnimo iyo kala dambeynta sharciga.

Waxaa walaaca Golaha sii xoojinaya aamunsnaanta dowlada federaalka ee ku aaddan dagaalka labadii maalin socday, taasoo tilmaam ka bixinaysa jihada uu dalku aadi karo, haddii aan heshiis la gaarin ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Soomaaliya kama gudbi karto colaadda, abaarta, iyo nuglaanta dowladnimo inta muran siyaasadeed lagu xallinayo is-maqnuunin. Xasiloonidu waxay ku dhisan tahay sharciyad, wadahadal, iyo ilaalinta nolosha shacabka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News