Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Golaha Mustaqbalka oo 3 qodob kasoo saaray tallaabadii DF ee lagu beegsaday… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Golaha Mustaqbalka oo 3 qodob kasoo saaray tallaabadii DF ee lagu beegsaday…


Muqdisho (Adduun.com) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay is-hortaaggii shalay dowladda Soomaaliya ay ku sameysay xildhibaannada laga soo doorto deegaannada Puntland ee dib looga soo celiyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Golaha oo soo saaray bayaan ka kooban saddex qodob ayaa marka hore  xadgudub ku tilmaamay tallaabada lagu beegsaday xildhibaannada ee dib loogu soo celiyay Muqdisho, xilli ay doonayeen inay lasoo tashadaan madaxweyne Saciid Deni oo ugu yeeray magaalada Garoowe.

“In xildhibaannada la farageliyo safarkooda iyada oo amar fulineed la adeegsanayo waa ku xadgudub mabda’ kala-soocida awoodaha dowladeed, waana faragelin toos ah oo lagu sameeyay hay’adda sharci dajinta” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale, waxa uu goluhu eedeeyay Hay’adda Duuista Rayidka Hawada, isaga oo tilmaamay in tallaabada la qaaday ay jabineyso mabda’a dhex-dhexaadnimada ee hay’adda iyo shuruucda caalamiga ee duulimaadyada.

“Ficilkan wuxuu dhaawacayaa kalsoonida shirkadaha duulista, sumcadda hawada Soomaaliya iyo waajibaadka caalamiga ah ee dalka kaga xiran nidaamyada duulista rayidka” ayaa lasii raaciyay.

Waxaa kale oo Golaha Mustaqbalka intaasi kusii daray in tallaabadan ay uga sii dareyso khilaafka taagan, maadaama horay loogu tegay wada-hadalladii u socday labada dhinac, isla markaana uu dalka haatan ku jiro xilli kala guur ah.

“Go’aankan wuxuu sii fogeynayaa khilaafka xilli dalka ku jiro marxalad kala guur ah oo u baahan deganaasho, wada-tashi iyo is-afgarad qaran” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn wuxuu golaha hoosta ka xariiqay in xilligan adag ay lagama maarmaan tahay in hoggaanka dalka uu muujiyo xilkasnimo iyo biseyl siyaasadeed, iyadoo la ixtiraamayo nidaamka federaalka ee uu  qaatay dalka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard