Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Golaha Mustaqbalka iyo Xasan Sheekh oo yeelanaya kulankoodii u horreeyay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Golaha Mustaqbalka iyo Xasan Sheekh oo yeelanaya kulankoodii u horreeyay


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in habeen dambe ay yeeshaan kulankoodii u horreeyay.

Sida ay ogaatay Adduun.com, kulankan oo noqonaya mid casho ah ayaa waxaa martiqaadka fidinaya Madaxweyne Xasan Sheekh, oo tan iyo markii ay Muqdisho yimaadeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland aan wax xiriir toos ah la sameyn.

Kulanka ayaa lagu wadaa in uu ka qabsoomo hotelka Decale oo ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan xogaha aan helayno, kulanka cashada ayaa la iskula qaadaa-dhigi doonaa halka uu ka dhacayo shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyo weliba waqtiga uu furmayo.

Kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegaya inay aad ugu ololaynayso kulankan, isla markaana ay rabto in la isla qaato isfaham guud si aysan u fashilmin wada-hadalka labada dhinac.

Xalay ayay ahayd markii Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Salaad uu booqasho ugu tegay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, isagoo damaanad amni u fidiyay si ay u tagaan xarunta Villa Soomaaliya.

Mahad Salaad oo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kula shiray hoteelka ay ka degan yihiin xayndaabka garoonka ee xerada Xalane, ayaa ku booriyay inay oggolaadaan in Madaxtooyada lagu qabto wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale, Mahad ayaa xalay la shiray madaxweynihii hore Farmaajo, isagoo kala hadlay ismari-waaga taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira ee ka dhashay hanaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah.

Dood xooggan ayaa weli ka taagan halka lagu qabanayo wada-hadallada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee shirka lagu qaban karo ay tahay gudaha Xalane, taas oo dib u sii riday furitaanka shirka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard