Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Go’aankii kasoo baxay Ahlu Sunna Waljamaaca oo maanta ka dhaqan-galay… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Go’aankii kasoo baxay Ahlu Sunna Waljamaaca oo maanta ka dhaqan-galay…


Dhuusamareeb (Adduun.com) – Iyada oo maanta ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaan maanta laga soomin qaybo ka mid ah dalka, waxaana dhaqan galay go’aan ay xalay shaacisay Ahlu Sunna Waljamaaca oo shaaca ka qaaday in maanta ay dhammeystiri doonaan 30-ka bisha Shacbaan.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ayaa go’aankaas ku dhawaaqay, wuxuuna tilmaamay in aragti ay ku soomi doonaan, kuna afuri doonaan.

“Waxaan buuxi doonaa 30 ka Shacabaan bari oo Arbaca ah Insha Allah” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Sheekh Maxamed Shaakir.

Sida ay ogaatay Adduun.com, waxaan maanta laga soomin gobollada dhexe, gaar ahaan magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Mudug ee hoostaga aamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ku sugan Muqdisho oo iyaguna aan soomin maanta, isla markaana qaatay go’aanka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Arrintan ayaa si weyn loogu dhaliilay hoggaanka Culimada Ahlu Sunna, maadaama ay abuurtay khilaaf ku aadan dhalashada bisha Ramadaan oo maanta kow ah, lagana soomay inta badan gudaha dalka.

Goor sii horreysay oo xalay ah Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa shaacisay in deegaanno ka tirsan dalka laga arkay bisha Ramadaan, gaar ahaan waqooyiga dalka iyo magaalooyinka Beledweyne, Jowhar iyo Baydhaba, waxayna ku dhowaaqday in maanta ay tahay maalinta koowaad ee Ramadaan.

Sidoo kale, Sacuudiga ayaa isna sheegay in bisha Ramadaan laga arkay gudaha dalkaasi, wuxuuna ku dhawaaqay in maalinta berri ah ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan. Waxaa kale oo raacay inta badan dalalka Islaamka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard