Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Garsoore Cartan oo soo hooyay guul taariikhi ah iyo Xasan Sheekh oo… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Garsoore Cartan oo soo hooyay guul taariikhi ah iyo Xasan Sheekh oo…


Muqdisho (Adduun.com) — Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan kaddib markii uu noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qayb gala tartanka caalamiga ah ee FIFA World Cup.

Garsoore Cartan ayaa dhigay taariikh cusub, isagoo noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee lagu daro liiska garsoorayaasha hoggaaminaya tartanka Koobka Adduunka 2026, kaas oo lagu qaban doono dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.

FIFA ayaa si rasmi ah u shaacisay liiska garsoorayaasha, waxaana magaca Cumar Cartan uu ka dhex muuqday kuwa ugu sarreeya ee Afrika u matalaya masraxa caalamiga ah.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa garsooraha heerka caalamiga ah ee Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo taariikh cusub u soo hooyay dalkeenna, kaddib markii uu noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qayb gala tartanka caalamiga ah ee FIFA World Cup,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa guushan qiimaha leh ku tilmaamay mid kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya, isla markaana muujinaysa kartida iyo hibada ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hanweyn inay dalkooda ku matalaan fagaarayaasha caalamka.

“Waxaan ku bogaadinayaa dadaalka, xirfadda iyo hufnaanta uu muujiyay garsoore Cumar, isaga oo noqday astaan dhiirrigelin u ah jiilka cusub ee Soomaaliyeed. Hambalyo Cumar, guulo kale oo taariikhdeenna qayb ka noqda ayaan kuu rajeynayaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, guushan taariikhiga ah ayaa si weyn kor ugu qaadaysa sumcadda Soomaaliya, isla markaana dhiirrigelin u noqoneysa jiilalka cusub ee hamiga leh.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard