Muqdisho (Adduun.com) – Waxaa mar kale saaka garoonka magaalada Muqdisho lagu celiyay wadi culus oo kusii jeeday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, xilli uu weli sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.
Sida ay ogaatay, Adduun.com waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde loo diiday in ay ka dhoofaan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Koonfur Galbeed oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay qayb uga noqdaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda magaalada Baydhaba oo uu shalay gaaray madaxweyne Laftagareen oo diyaarad qaas ah ay kasoo qaaday dalka Itoobiya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale shalay duulimaadyada u diiday magaalada Baydhaba, sabab la xiriira xiisadda kala dhexeysa Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyada oo la’isku hayo arrimaha doorashooyinka maamulkaasi.
Arrimahan ayaa uga sii daraya khilaafka labada dhinac, iyadoo shalay madaxtooyada Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqday in gebi ahaan ay xiriirkii u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, go’aankaas oo ay iyaduna cambaareysay xukuumadda Muqdisho.
“DFS waxa ay cambaaraynaysaa go’aanka ka soo baxay madaxtooyada Koonfur-Galbeed ee lagu sheegay in ay hakisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay DFS, waxayna caddaynaysaa in hay’adaha DFS dhankooda ay gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kuwa sharci ee ka saaran deegaannada Koonfur-Galbeed iyo Shacabka ku nool” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Koonfur Galbeed ugu baaqday in ay sii wado ka qeyb ahaanshaha hannaanka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyadeynta oo ay horay si buuxda uga qeyb qaatay dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, qeybna ka ah geedi socodka dimuqraadiyeynta dalka ee hadda lagu howlan yahay.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba, xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar ay ka dhacayaan dagaallo toos ah, halka deegaanno kale laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.
