Muqdisho (Adduun.com) — Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u cambaareeyay tacaddiyo iyo xarig uu sheegay in loo geystay qaar ka mid ah dhallinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo shalay dhigay dibadbaxyo ay kaga cabanayaan sicir-bararka ba’an ee ku dhuftay shidaalka.
Dhallinyaradaas ayaa waxaa qaarkood shalay xiray ciidamada dowladda, oo isku dayay in ay joojiyaan dibad-baxa.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynihii hore ayaa lagu sheegay in dhallinyaradan ay si nabad ah u soo bandhigayeen cabashadooda ku aaddan duruufaha nololeed ee adag, wuxuuna dowladda ugu baaqay inay si degdeg ah xorriyaddooda ugu soo celiso dhallinyarada la xiray.
“Waxaan si adag u cambaaraynayaa tacaddiyada iyo xarigga loo geystay gaadiidlayda bajaajka magaalada Muqdisho. Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, waxa ay mudan yihiin garab istaag iyo in laga dulqaado culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan,” ayuu yiri Farmaajo, isagoo intaas raaciyay in dowladdu ay ka waantowdo dhaqannada cabburinta ah ee ay kaga jawaabeyso tabashooyinka shacabka.
Bayaanka Farmaajo ayaa imaanaya saacado uun kadib markii darawallada mooto Bajaajta ay isugu soo baxeen waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarrama, iyagoo gabi ahaanba xiray isgoyska mashquulka badan ee KM4, taas oo hakad gelisay isku-socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee caasimadda.
Dibadbaxayaasha ayaa si weyn uga careysan ganacsatada shidaalka oo ay ku eedeeyeen inay qiimaha qaaliyeeyeen, waxayna dowladda ka dalbadeen inay soo farageliso arrintan.
Saan Miyaa, oo ka mid ah darawallada dibadbaxayay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah, ayaa yiri: “Halkan waxa ka socda waa dibadbax nabadeed, buuq ma jiro. Annaga korkeenna ayaa lagu ganacsanayaa, marka in dowladda ay la jirto ganacsatada ama annaga inay nala jirto ayaa maanta kala caddaaneyso.”
Wuxuu intaas ku daray in ay bixiyaan canshuur dhan $15, balse aysan awoodin inay shidaal qaali ah ku shaqeeyaan. “Dowladdeenna waxaan ka codsaneynaa inay naga qabato ganacsatada. Dibadbaxaan illaa shidaalka laga raqiisinayo wuu soconayaa,” ayuu yiri.
Dhibaatadan ka taagan caasimadda ayaa salka ku haysa saameyn dhaqaale oo lama filaan ah oo ka dhalatay dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen dalka Iiraan, kaas oo gilgilay suuqyada tamarta ee caalamka.
Sida laga soo xigtay suuqyada Muqdisho, qiimaha shidaalka ayaa cirka isku shareeray qiyaastii 77% tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay. Maalmo uun ka hor, halkii liitar ee shidaalka baasiinka (Petrol) ah ayaa lagu iibsanayay $0.65, balse laga soo bilaabo fiidnimadii Jimcaha, qiimaha kaalmaha shidaalka ee magaalada ayaa gaaray $1.50 halkii liitar.
Isbeddelkan lixaad leh ee ku yimid kharashka tamarta ayaa dhabar-jab dhaqaale ku noqday kumannaan dhallinyaro ah oo nolosha qoysaskooda ka soo saara kaxeynta mootooyinka Bajaajta, kuwaas oo hadda wajahaya xaqiiqo cusub oo adag.
