Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa boggaadiyay guusha ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland ay kasoo hooyeen dagaalkii ay Al-Shabaab maalin kahor kula galeen deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay argagixisada.
Farmaajo ayaa marka hore hambalyo u diray ciidamada geesiyaasha ah ee ka hortegay weerarka Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in guushooda ay muujinayso naf-hurnimada iyo geesinimada dhammaan Ciidamada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in ay ka go’an tahay in ciidamadu ciribtirka Khawaarijta, loona baahan yahay in lagu garab istaago dagaalka.
“Waxaan bogaadin iyo dhiirrigelin u dirayaa geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo guul muhiim ah ka keenay dagaalka sifeynta ah ee ay kula galeen argagixisada Alshabaab deegaanka Kudhaa iyo nawaaxigiisa. Guushan waxa ay muujinaysaa naf-hurnimada iyo geesinimada Ciidamada Soomaaliyeed oo duruuf kasta u taagan difaaca iyo xoreynta dhulkeenna, ayna ka go’an tahay cirib-tirka argagixisada duullaanka ku ah nolasha iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya.
Waxaa kale oo sii raaciyay “Alle waxaan naxariistiisa Janno uga baryayaa halyeeyada u shahiiday guushan taariikhiga ah, samir iyo iimaanna u naga siiyo, waxaanna bogsiimo degdeg ah u rajaynayaa ciidamada dhaawacyadu soo gaareen”.
Dhinaca kale, wuxuu farriin culus u diray dowladda Soomaaliya oo uu ugu baaqay inay xoojiso garab istaaga ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab, maadaama ay u baahan yihiin taageero xooggan.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku adkaynaynaa in ay xoojiso mudnaan-siinta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka” ayuu mar kale yiri Maxamd Farmaajo.
Dagaalkii ka dhacay Kudhaa ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan Al-Shabaab, maadaama laga laayay maleeshiyaad badan, lagana dhaawacay kuwa kale, iyada oo xubno kale iyo hab la qabtay
Xaaladda deegaanka ayaa haatan deggan, waxaana si buuxda gacanta ugu haya Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo weli howlgallo amni xaqiijin ah ka wada halkaasi.


TAXANAHA BASAASIINTA
Khiyaanadii Sirdoonka Masar Kula Kaceen ISR & Midowgii Soofiyeet |