Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Farmaajo oo la kulmay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Farmaajo oo la kulmay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni + Sawirro


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta la kulmay madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay xeyndaabka garoonka ee xerada Xalane ayaa yimid kadib markii Farmaajo uu Booqasho ugu tegay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo haatan kulamo siyaasadeed ka wada caasimada.

Kulankan ayaa waxaa kasoo muuuqday xubno kamid ah xubno kamid ah kooxda ololaha Farmaajo oo uu ku jiro gudoomiyihii goblka Banaadir Cumar Filish, kuwaas oo qayb ka ah dhaq dhaqaaqa socda.

Ujeedka ayaa ayaa is bariidin iyo kala war-qaadasho, waxaana sidoo kale uu kulanka qayb ka ahaa shirar waa wayn oo haatan ka socda caasimada, gaar ahaan xerada Xalane, kaas oo diiradda lagu saarayo khilaafka ka taagan dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka kumeel gaarka ah.

Horay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kulamo is xig-xigay ula yeeshay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kuwaas oo iyana looga hadlay wada-hadallada la filayo inay yeeshaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka.

Waxaa sidoo kale xalay xeyndaabka Xalane galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo isna booqday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, isaga oo kala hadlay diyaar garowga shirka guud ee loo ballansan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa horay u xaqiijiyay inaysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hannaanka doorashada, xilli bilo kooban ay ka harsan yihiin muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard