Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Fal-celin lagu farxay oo ka dhalatay ansixinta dastuurka dalka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Fal-celin lagu farxay oo ka dhalatay ansixinta dastuurka dalka


Muqdisho (Adduun.com) – Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo la hadlay Telefishinka Somali Cable ayaa si weyn usoo dhaweeyay meel-marinta dastuurka Soomaaliya oo ay shalay u codeeyeen labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib wax ka beddel wayn oo lagu sameeyay.

Dadweynahan oo ay ka muuqatay farxad iyo reereen ayaa u mahadceliyay Baarlamaanka iyo madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin go’aanka Baarlamaanka ee wax ka beddelka dastuurka dalka.

“Waxay ka dhigan tahay inaan caawa xorownay, waan faraxsanahay runtii dalkeenna hooyo ayaan joognaa dadka maqana waxaan u sheegayaa Muqdisho save waayay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka la wareystay.

Sidoo kale, nin kale oo kamid ah reer Muqdisho oo ka hadlay aragtidiisa ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka xorowday gacmo shisheeye, isaga oo tilmaamay in tallaabada Baarlamaanka ay tahay guul wayn oo usoo hoyatay dalka.

“In dastuurka la dhammaystiro waxay nooga dhigan tahay farxad wayn oo qiimo iyo qaayo leh oo dadka Soomaaliyeed guul u ah, waxaan ka xorownay gacmo shisheeye” ayuu isna yiri nin kale oo kamid ah shacabka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddel lagu sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 36 Senator oo hoolka joogtay iyo Senator maqan uu Online ku codeeyay, halka 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ahna ay haa ku wada codeeyeen.

Tallaabada uu maanta qaaday Baarlamaanka ayaa ah guul wayn oo usoo hoyatay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu dadaal xooggan geliyay dhammaystirka Dastuurka Soomaaliya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard