Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Fal-celin ka dhalatay arrin ay maanta sameeyeen Xasan Sheekh iyo gabdhiisa - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Fal-celin ka dhalatay arrin ay maanta sameeyeen Xasan Sheekh iyo gabdhiisa


Muqdisho (Adduun.com) – Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay soo dhaweyn ay maanta madaxweyne Xasan Sheekh iyo gabadhiisa Jihaan u sameeyeen Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska, taas oo ka dhacday Villa Somalia.

Madaxweynaha iyo Marwo Sophie oo kulan yeeshay ayaa sidoo kale ka wada -halday xoojinta xiriirka soo jireenka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Inta uu socday kulanka waxaa kale oo si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta bulshada oo muhiim u ah labada dowladood.

Haddaba sidee looga fal-celiyay kulanka iyo soo dhaweynta ay qaybta ka ahayd Jihaad Xasan Sheekh?

Cabdiqani Sabriye: “Qoyska Birmadaha iyo Qoyska Boqortooyada UK oo kulmay waa aragnaa”.

Maxamed Cali: “Asturnaanta iyo qiyamka ka muuqda gabadha madaxweynaha maashaa allah muhiimaddu waa in ay muujiyeen in dalku yahay dal Muslim ah dumarka halkan ka muuqda dhammaantood way asturan yihiin”.

Mahad Carabey: “Xubno ka tirsan qoyska Ingiriiska waa wax lagu qoslo jabter 7”.

Ismaaciil Warsame:  “Gabadhiisa ayaa soo dhaweysay asagiina waa qaabilay 20 ilma adeertiis ahna waa difacayaan oo waxay leeyihiin waa runtaa”.

Axmed Cabdikariin: “Dalkiiba wuxuu noqday meel Xasan Sheekh iyo carruurtiisa iska leeyihiin”.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard