Baydhaba (Adduun.com) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay dib u doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo maanta xildhibaannada maamulkaas ay ku doorteen Baydhaba, isaga oo helay 66 cod, sida uu shaaciyay guddiga doorashada.
Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweeyay doorashadan, iyaga oo taageero u muujiyay Cabdicasiis Lafta-gareen oo xilligan dagaal siyaasadeed oo culus ay kula jirto Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u hambalyeeyay Lafta-gareen, wuxuuna ugu baaqay inuuu sii dardargeliyo shaqooyinka horyaallo ee maamulkaasi.
“Hambalyo iyo duco ayaan u dirayaa Madaxweynaha dib loo doortay ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed. Hoggaanka la doortay ee Koonfur Galbeed waxaa hortaalla dardar-gelinta dib u heshiisiinta dadka Koonfur Galbeed, dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee dadweynaha” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Sidoo kale, madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna bogaadiyay doorashada Koonfur Galbeed ee maanta lagu soo doortay madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka, isaga oo sheegay in doorashadan ay meesha ka saareydo xaaladdii taagneyd.
“Waxaan u hambalyeynayaa madaxda dib loo doortay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Madaxweyne Cabdicasis Maxamed Xasan (Laftagareen) iyo guddoomiyaha golaha wakiillada KGS Mudane Dr. Cali Saciid Fiqi. Doorashada KGS waxay meesha ka saartay hubanti la’aantii siyaaasadeed ee hay’addaha maamulka, waxaana sidoo kale ugu baaqayaa maamullada kale ee muddo xileedkoodu dhammaaday inay si deg-deg ah u qabtaan doorashooyinka heer Dowlad Goboleed si looga baxo firaaqa maamul, loogan hortago xasillooni darro baahsan oo saameyn ku yeelan karta amniga Qaranka” ayuu isna yiri madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dhankiisa Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa yir “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiye Cali Siciid Fiqi oo mar kale loo doortay hoggaanka Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed. Waxaan sidoo kale madaxda dolwad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ugu baaqayaa in ay degdeg u qabtaan doorashooyinka dowlad-goboleedyada, si waafaqsan dastuurka dalka iyo dolwad-goboleedyada”
Fahad Yaasin oo ah agaasimihii hore ee Hay’adda NISA ayaa isaguna hambalyeeyay doorashada Koonfur Galbeed, wuxuuna u rajeeyay madaxda dib loo doorto inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.
“Hambalyo Guddoonka Golaha Wakiilada oo uu ugu horreeyo Dr. Cali Saciid Faqi iyo Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Alle ha idinku asturo xilka culus ee aad u dhaarateen” ayuu yiri Fahad.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isaguna hambalyo kadib ugu baaqay hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay mudnaanta siiyaan wadahadal, soo celinta kalsoonida shacabka
“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Waxaa ugu baaqayaa in ay mudnaanta siiyaan wadahadal, soo celinta kalsoonida shacabka, iyo u hoggaansanaanta hannaan loo dhan yahay oo lagu xaqiijinayo nabad iyo xasilooni” Xildhibaanku.
