Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Faah-faahinta qaraxyo kale oo laga maqlay dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Faah-faahinta qaraxyo kale oo laga maqlay dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn


Abu Dhabi (Adduun.com) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxyo waa wayn oo maanta Sabti ah laga maqlay dalalka Imaaraadka, Qatar iyo Baxreyn, kuwaas oo kusoo aaday waxyar uun kadib markii saaka la weeraray caasimada Tehran ee dalka Iiraan oo ay beegsadeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Iiraan ayaa lasoo wariyay in ay weerartay inta badan saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla dalalka khaliijka, marka laga reebo dalka Cumaan oo ah dhex-dhexaadiyaha gacanta ku haya kanaalka wada-xaajoodka ee Mareykanka iyo Iiraan.

Dad ku nool Abu Dhabi ayaa u sheegay Wakaaladda AFP inay maqleen qaraxyo xooggan oo maanta ka dhacay caasimadda Imaaraadka, kadib weerarrada Mareykanka iyo Israel ee lagu qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.  Adduun Abu Dhabi waxaa ku yaal saldhig ay ku sugan yihiin shaqaale Mareykan ah.

Dowladda ayaa sidoo kale xaqiijisay dhimashada hal qof oo shacab ah iyo burbur hantiyeed oo ka dhashay gantaallada ku dhacay  gudaha dalkeeda.

Horay Imaaraadka ayaa ku dhawaaqay inay “si ku meel gaar ah oo qayb ahaan” u xiray hawadiisa isaga oo taxaddar ka muujinanayo xaaladda soo korortay.

Sidoo kale, weerar kale oo qaraxyo ah ayaa lagu qaaday caasimadda Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo iyana laga soo wariyay in laga maqlay jugta qaraxyo culus.

Hase ahaatee, Wakaaladda Wararka ee Dowladda Qatar, oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca dalkeeda ayaa ku dhawaaqday in dhammaan gantaalladii ku wajahnaa dalkooda la qabtay, kadibna lana soo riday.

Dhibaca kale, waxaa iyana qaraxyo laga soo sheegaya caasimada Baxreyn, iyada oo Wariyeyaal ka tirsan Wakaaladda Wararka ee AFP oo ku sugan dalkaas ay sheegeen in ay maqleen qaraxyo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Manama ee dalka Baxreyn.

Gantaallada Iiraan ayaa si gaar ah loo wariyay inay ku dhaceen aagga Juffair oo ay ku yaallo saldhigga ciidanka Maraykanka, halkaas oo ay uuro ka baxday markii lala helay dhowr gantaal.

Dhacdadan ayaa timid, kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha Baxrayn ay ku sheegtay digniinno is-daba joog ah oo ay kusoo saartay barta X in seeriga degdegga ah la maqlay. Waxa ay sidoo kale ku boorrisay dadka deegaanka in ay is dejiyaan oo ay u jiheystaan ​​meesha ugu dhow ee nabdoon.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard