Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay Jubbada Hoose - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay Jubbada Hoose


Kismaayo (Adduun.com) – Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa ka tirsan Nabadsugidda dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa yimid kadib markii ciidamada iskaashanaya ee Daraawiishta iyo Nabadsugidda ay weerar ku qaadeen deegaanno la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, oo ay isku uruursanayeen.

Ilo ku sugan gobolka ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay weerarka qaadeen aroortii hore, kadib markii ay heleen xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo ay wadeen dagaalyahannada kooxda.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland oo si hordhac ah uga hadlay howl-galka ayaa sheegay in ciidamada ay gaareen bartilmaameedkii loo qorsheeyay, isla markaana Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Waxay intaas ku dareen in howl-galka uu socday muddo saacado ah, isla markaana lagu burburiyay fariisimo ay kooxda ku lahayd deegaannada la weeraray.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay gacanta ku dhigeen hub iyo agab ciidan oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in rasaas culus iyo qaraxyo laga maqlayay goobaha uu howlgalka ka socday.

Ciidamada Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaannada ku dhow xadka Kenya iyo kuwa hoos yimaada degmooyinka Badhaadhe iyo Afmadow.

Deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa horey uga dhacay dagaal ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland, kaas oo sababay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Tan iyo markaas, ciidamada Jubbaland ayaa waday dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howl-gallo ay ku doonayaan inay ku sugaan amniga deegaannada ku teedsan aaggaas.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard