Sticky ad
0
Please log in or register to do it.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga hadlay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israel, isaga oo si cad u dhaleeceeyay xasuuqa shacabka Falastiin gaar ahaan Qaza. Wuxuu sheegay in Turkigu aanu marnaba indhaha ka qabsan doonin dhibta ka dhacaysa Qaza, isaga oo Israel ku eedeeyay inay geysaneyso dambiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadamnimada.

Erdogan ayaa ku adkeystay in Turkigu si buuxda u garab taagan yahay shacabka Falastiin, wuxuuna ku baaqay in beesha caalamka aysan aamusin.

Weerarrada Israel wuxuu ku sifeeyay “argagixiso dowladeed”, isagoo ugu baaqay waddamada Muslimiinta inay si mideysan uga hortagaan falalkaas waxashnimada ah.

“Turkigu ma indha tirayo gumaadka shacabka reer Falastiin,” ayuu yiri Erdogan, isagoo hoosta ka xariiqay in dalkiisu diyaar u yahay inuu kaalmo muuqata ka geysto dadaallada lagu xallinayo colaaddaas.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in hadaladii Madaxweynaha Suuriya ay muujinayaan khatarta sii fidaya ee dagaalka, taasoo laga yaabo inay saameyso dalal kale. Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkiga diyaar u yahay inuu ka hortago khataraha ka imaan kara fiditaanka dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israel.

Gabagabadii, wuxuu sheegay in arrinta Falastiin aysan ahayn kaliya dhibaato maxalli ah, balse ay tahay masuuliyad caalami ah oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho.

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay Tehran oo si nabad ah loo soo badbaadiyay + Sawirro
Deni inuu caqabad ku yahay hirgelinta mashaariic muhiim ah oo loogu talagalay horumarinta Puntland
Sticky ad

Your email address will not be published. Required fields are marked *