Muqdisho (Adduun.com) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal soo saaray ayaa digniin toos u diray afhayeennadii hore ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Cabdikariin Cali Kaar oo maalmahan tabinayay barmaajiyo lagu dhaliilayo kooxda Villa Soomaaliya, iyagoo soo bandhigayo arrimo xasaasi ah.
Al-Cadaala ayaa labada nin ku eedeeyay inay marin habaabinayaan bulshada, iyagoo isku ekeesiiyeen Wariyeyaal, ayna ujeedadooda tahay baahinta warar been abuur ah, sida uu hadalka u dhigay
“Digniin iyo caddayn. Waxaan muwaadintiinteenna sharafta leh lawadaagaynaa in mudooyinka danbe ay soo baxeen kooxo Siyaasadeed oo markii ay ku fashilmeen in ay aragtidooda ka iibiyaan dadka soomaaliyeed isla markaana suuq u waayay badeecadooda beenta ku dhisan maadaama ay Dadka Soomaaliyeed horay u arkeen ficiladooda xun hadda go’aansaday in ay wajiga badashaan si ay Dadka aragtidooda u qaldaan” ayuu yiri wasiirku.
Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Kooxahaan, waxeey isku ekeesiiyaan in ay yihiin Saxafiyiin iyaga oo warar been abuur, Dicaayad iyo Qabyaalad xambaarsan gudbinaya kuna gudbinaya Bogag ay ka samaysteen Social Media-yaha si aan Dadku u fahmin maadaama lagu yaqaano ku tagrifal iyo dhaqan xumo ay ku kaceen intii ay joogeen xafiisyada Dawladda”.
Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mararka qaarkood ay iska dhigaan falanqeeyayaal siyaasadeed, balse ay u ololeaan hal urur oo kaliya, iyaga oo xambaarsan aragtidiisa.
“Waa u xor aragtidooda balse waa in ay magacooda isticmaalaan oo aanay dadka Soomaaliyeed usoo xiran wajiga sidii Khawaarijta oo kale waana in ay waxa ay aaminsanyijiin banaanka la yimaadaan” ayuu sii raaciyay Al-Cadaala.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan wararka ay faafinayaan labadaan nin oo furtay bog ay u bixiyeen Geed Fadhi oo ay ku falanqeeyaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
“Hadaba, muwaadiniinta waxaan u caddaynaynaa in ashqaastaas aanay ahayn xirfadayaal saxaafadeed ama falanqeeyayaal dhex dhexaad ah sidaas awgeed waa in aan ka digtoonaano in aan lagu sirmin is qarintooda ku dhisan marin habaabinta taas oo horay ay dad badan ugu qaldeen balse markii ficiladoodii xumaa ee Dawladnimada ay ku gaysteen la arkay si fiican loo bartay wajigooda runta ah dhinacna la isaga leexiyay. Mahadsanidiin” ayuu qoraalkiisa kuso gabagabeeyay.
