Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Dowladda oo shaacisay inay hirgelinayso dastuurka cusub ee la ansixiyay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Dowladda oo shaacisay inay hirgelinayso dastuurka cusub ee la ansixiyay


Muqdisho (Adduun.com) – Kadib ansixinta dhameystirka wax ka beddelka dastuurka KMG ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay hirgelinayso, xilli weli muran xooggan ka taagan yahay arrintan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay guda-galayso wejiga hirgelinta iyo dhaqan-galka qodobbada dastuurka ee ay dhawaan ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa ansixinta dastuurka cusub ku tilmaamtay guul taariikhi ah oo dalka ka saaraysa nidaamkii KMG ahaa, isla markaana hadda la joogo xilligii tallaabadaas loo beddeli lahaa ficil dhab ah.

“Ansixinta dastuurka waa tallaabo taariikhi ah oo lagu qabyo-tiray dastuurkii KMG ahaa, looguna saldhigay heshiis bulsho oo kala asteynaya awoodaha iyo waajibaadka heerarka hay’adaha federaalka ah, isla markaana xoojinaya dowlad-wanaagga, isla xisaabtanka iyo wadajirka qaranka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ansixinta dastuurka ay astaan u tahay marxalad cusub oo lagu xaqiijinayo dowlad ku dhisan sharci adag iyo kalsooni dadweyne.

Tani ayaa la sheegay inay saldhig u tahay shaqada wasaaradda ee ku aaddan helidda maamullo ku yimaada rabitaanka bulshada, horumarinta nidaamka federaalka iyo xoojinta dib-u-heshiisiinta.

Sidoo kale, waxaa la xusay in tallaabadan ay gacan ka geysan doonto adkeynta midnimada bulshada iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo shaqeynaya.

Dowladda Federaalka ayaa hirgelinta dastuurka cusub u aragta mid dhabaha u xaaraya qabsoomidda doorasho dadweyne, isla markaana meesha ka saaraya hanaankii hore, arrintaas oo si weyn ugu kala aragti duwan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland.

Shalay ayuu Baarlamaanka Soomaaliyeed cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka dalka, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka taagneyd xiisad xooggan, waxaana weli diidan Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.

Madaxweynaha oo xalay la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ansixinta dhammaystirka dastuurka KMG ah, isaga oo boggaadiyay tallaabadan ay  xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ku ansixiyeen dastuurka dalka, kuna tilmaamay mid taariikhi ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag, waxaana taagan khilaaf ka dhashay doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka la ansixiyay, oo si adag u diidan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard