Jowhar (Adduun.com) – Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa si diirran u soo dhaweysay, soona saartay dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan go’aanka taariikhiga ah ee uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya cod aqlabiyad ah ugu ansixiyay dhameystirka Dastuurka dalka, kaas oo si rasmi ah meesha uga saaray marxaladdii Dastuurka Ku-meelgaarka ahaa ee dalku ku soo shaqeynayay.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada Hirshabelle ayaa tallaabadan lagu tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, taas oo horseedaysa xasillooni siyaasadeed, horumar dhaqaale, hufnaan iyo nidaam dowladnimo oo taam ah.
Maamulka ayaa xusay in go’aankani uu ka turjumayo rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha dowladnimo waarta iyo xoojinta midnimada qaranka.
“Waxaan ku bogaadinaynaa shacabka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan hay’adaha dowladda dadaalka iyo go’aanka geesinimada leh ee lagu xaqiijiyey guushan,” ayaa lagu yiri bayaanka Hirshabelle, iyagoo intaas ku daray inay si buuxda u garab taagan yihiin dadaallada lagu dhisayo dowladnimada, ilaalinta sharafka iyo karaamada qaranka Soomaaliyeed.
Soo dhaweynta Hirshabelle ayaa imanaysa waxyar kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, uu xalay khudbad isugu jirta bogaadin iyo dhiirigelin u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ansixinta dhameystirka Dastuurka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tallaabada ay Xildhibaannada labada Aqal qaadeen ku sifeeyay mid taariikhi ah, isagoo yiri: “Dhamaan dadka Soomaaliyeed maanta waa maalin taariikhi ah oo ku suntan dhameystirka dastuurka qaranka iyo gaba-gabeynta rasmiga ah ee marxaladdii KMG aheyd ee muddada dheer soo jiitamaysay”. Wuxuu intaas ku daray in tani ay tahay guul qaran oo muddo dheer la sugayay, taas oo dalka u horseedaysa hanaan dowladnimo oo ku qotoma saldhig sharciyeed oo adag.
Madaxweynaha ayaa dib u xasuusiyay umadda in Dastuurku uu soo maray geeddi-socod dheer oo dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel ah.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in 14-kii sano ee lasoo dhaafay uu dalku ku shaqeynayay nidaam kumeel-gaar ah, kaas oo noqday dabar sharciyeed iyo caqabad weyn oo hor istaagtay xaqiijinta xasillooni buuxda oo dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ahba leh.
Inkastoo ay dowladda iyo xulafadeedu u dabaaldegayaan guushan, haddana ansixinta Dastuurka ayaa dhalisay falcelin xooggan iyo diidmo qayaxan oo kasoo yeertay xubnaha mucaaradka iyo qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada.
Isbahaysiga mucaaradka ah ee loo yaqaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag u qaadacay wax-ka-beddelka Dastuurka ee la ansixiyay, iyagoo ku dooday in geeddi-socodku uu ka hor-imaanayo habraacyada dastuuriga ah iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka, isla markaana uusan helin aqlabiyaddii loo baahnaa ee laba-meelood saddex meel (2/3) labada aqalba.
Golahan ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda cadaadis siyaasadeed, cabsigelin, iyo laaluushasho, iyagoo xusay in xildhibaanno badan laga hor istaagay inay ka qayb-galaan doodaha. Waxay caddeeyeen inay sii wadi doonaan aqoonsiga Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa ee 2012-kii inuu yahay sharciga rasmiga ah ee dalka, ilaa laga helayo geeddi-socod loo dhan yahay.
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaasadii Masar ku beertay ciidanka ISR |
SIRDOON & QISO
Shabakadii BASAAS ee Kalkaalisada ka aheyd ka GAZA |
