Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Doorashada Koonfur Galbeed oo bilaabatay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Doorashada Koonfur Galbeed oo bilaabatay


Baydhaba (Adduun.com) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada guud ee hogaanka Koonfur Galbeed, xilli ay weli diidan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada cusub ee xalay la shaaciyay ayaa maanta guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka saddexaad ee Koonfur Galbeed dib ugu doortay Cali Siciid Fiqi, sida ay shaacisay warbaahinta ku hadasha afka maamulka Lafta-gareen.

Sidoo kale, Shamsa Maxamed Yarow ayaa iyana loo doortay guddoomiye ku xigeenka labaada, kadib markii ay ka guuleysatay Jamaala Axmed Xuseen, sida uu sheegay guddoonka doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, guddiga oo jadwal cusub soo saaray ayaa muddeeyay xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha, waxaana la qorsheeyay in la dadajiyo, lana qabto 28-ka illaa 30-ka bishaan Maarso, sida ku cad jadwalka soo baxay.

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa qorshihiisa yahay inuu dib ugu fariisto kursiga madaxweynaha, wuxuuna goordhow qaatay shahaadada musharraxnimo, isaga oo wata malxiis siyaasadeed, sida ay muujiyanaa sawirada la baahiyay ee guddiga.

Arrimahan ayaa imanaya, iyadoo mucaaradka Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe ay diidan yihiin doorashadan, kuwaas oo haatan dhaq-dhaqaaq culus ka wada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Badbaada Koonfur Galbeed ayaa hadda lasoo warinayo in qaarkood ay kasoo dhaqaaqeen magaaladaas, iyaga oo kusoo jeeda aagga Baydhaba, si ay u baajiyaan doorashada deg-degga ah ee uu ku howlan yahay Lafta-gareen.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xiisadda u dhexeysa Dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed, taas oo salka ku haysa muranka ka dhashay hannaanka doorashooyinka, kadib markii u heshiiskii ka baxay Lafta-gareen.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac ay is farasaaraan oo ay qarxaan dagaallo culus.

 

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard