Dar es Salaam (Adduun.com) – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadoow ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha degaanka safiirka ee Safaaradda Soomaaliya ee Dar es Salaam.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Tanzania, diblomaasiyiin ka socda dalalka caalamka ee u fadhiya Tanzania, iyo xubno matalayay Jaaliyadda Soomaaliyeed.
Dhismaha cusub ee degaanka safiirka, oo ka turjumaya hal-adayg diblomaasiyadeed, ayaa qeyb ka ah dadaallo uu hormuud u ahaa Danjire Ilyaas Cali Xasan, kaasoo ka bilaabay hirgelinta iyo dayactirka dhismaha safaaradda.
Xoghaye Xamsa Aadan Xaadoow ayaa munaasabadda ka hadlay, isagoo ku bogaadiyay Danjire Ilyaas hirgelinta dhismaha safaaradda iyo degaanka safiirka.
Isaga ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo walaalnimo ee Jamhuuriyadda Tanzania.
Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa carabka ku adkeeyay in dhismaha cusub iyo xarumaha safaaradda ee la casriyeeyay ay yihiin hanti qaran oo loogu talagalay in loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii, Danjire Ilyaas ayaa u mahadceliyay dhammaan martidii ka soo qeybgashay xafladda, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo horumarinta dhismayaasha safaaradda.






















SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
