Muqdisho (Adduun.com) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si kulul uga hadashay xiisadda ka taagan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo saameysay wada-shaqeyntii ka dhexeysay Muqdisho iyo Baydhaba.
Bayaanka oo ka kooban 4 qodob ayaa waxaa marka hore ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladaha ka soo kordhay deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed, isla markaana ay ka walaacsan tahay in xilligan la abuuro caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo saameynaya qaar ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed:
Sidoo kale, dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaaday in ay si deg-deg ah uga howlgaleyso xallinta Khilaafka ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo cambaareysay go’aanka ka soo baxay maamulkaasi ee xiriirka loogu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“DFS waxa ay cambaaraynaysaa go’aanka ka soo baxay madaxtooyada Koonfur-Galbeed ee lagu sheegay in ay hakisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay DFS, waxayna caddaynaysaa in hay’adaha DFS dhankooda ay gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kuwa sharci ee ka saaran deegaannada Koonfur-Galbeed iyo Shacabka ku nool” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxaywasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Koonfur Galbeed ugu baaqday in ay sii wado ka qeyb ahaanshaha hannaanka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyadeynta oo ay horay si buuxda uga qeyb qaatay dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, qeybna ka ah geedi socodka dimuqraadiyeynta dalka ee hadda lagu howlan yahay.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed.
Wasaaraddu waxay ka walaacsan tahay in xilligan la abuuro caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo saameynaya qaar ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed:
Sidaa darteed, DFS waxa ay shacabka Soomaaliyeed u caddeynaysaa arrimaha soo socda:
1. DFS waxa ay bogaadineysaa dowrka Shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed oo hormuud ka ah ilaalinta midnimada dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isla markaana si buuxda uga qeyb qaatay hannaanka dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, qeybna ka ah geedi socodka dimuqraadiyeynta dalka ee hadda lagu howlan yahay.
2. DFS waxa aysan marna qeyb ka ahayn xasillooni darrada ka abuurantay qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed, waxayna si degdeg ah uga howlgaleysaa joojinta colaadaha iyo in wixii khilaafaad ah lagu xalliyo wadahadal, si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray la dagaallanka argagixisada.
3. DFS waxa ay cambaaraynaysaa go’aanka ka soo baxay madaxtooyada Koonfur-Galbeed ee lagu sheegay in ay hakisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay DFS, waxayna caddaynaysaa in hay’adaha DFS dhankooda ay gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kuwa sharci ee ka saaran deegaannada Koonfur-Galbeed iyo Shacabka ku nool.
4. DFS waxa ay ugu baaqaysaa maamulka Koonfur-Galbeed in uu sii wado ka qeyb ahaanshaha hannaanka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyadeynta.
Sidoo kale, DFS waxa ay ugu baaqeysaa bulshada, beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanka in ay ka feejignaadaan wax walba oo khatar galin kara amniga, nabadda iyo badqabka shacabka ee ku dhagan deegaannada Koonfur Galbeed.
– DHAMMAAD –

