Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudi Carabiya munaasabadda Maalinta Aasaaska, iyada oo Sacuudiga ku tilmaamtay walaal dhab ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhambaal hambalyo ah loogu diray Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo Muqdisho muujisay heerka sare ee xiriirka ka dhexeeya Riyaad.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran ugu hambalyaynaysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya aan walaalaha nahay munaasabadda Maalinta Aasaaska, taas oo calaamad u ah taariikh iyo hiddaha qaran ee Boqortooyada,” ayaa lagu yiri dhambaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirtay Ilaaliyaha Labada Masjid ee Barakeysan maalintan taariikhiga ah.
“Maalintan taariikhiga ah, Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin gaar ah u diraysaa Ilaaliyaha Labada Masjid ee Barakeysan, hoggaanka, dowladda, iyo shacabka Sacuudi Carabiya, iyada oo u rajaynaysa xasillooni waarta barwaaqo, iyo horumar qaran.” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xustay inay si weyn u qadarinayso xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal, kaasoo ku dhisan ixtiraam, kalsooni, iyo danaha wadajirka ah.
Soomaaliya ayaa sidoo kale rajeysay in xiriirkani sii xoojin doono iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, si loo gaaro horumar guud oo labada dhinac ka wada faa’iideysanayaan.
Dhawaan, Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa si weyn kor ugu qaaday xiriirkooda, iyagoo qalinka ku duugay heshiisyo iskaashi oo ku saabsan dhanka difaaca, dekedaha, iyo gaadiidka badda.
