Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay qorsheynayo in ay qorto 12,000 macallin inta lagu guda jiro sanadka 2026.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay dadaal ballaaran oo dib loogu dhisayo nidaamka waxbarashada dalka.
Xamza, oo warbixin ka bixinayay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta waxbarashada, ayaa xusay in isbeddel dhab ah lagu sameeyay nidaamka waxbarashada muddo ka yar 45 bilood.
“Muddo ku siman labo sano gudahood, waxaa la shaqaalaysiiyay 6,000 kun oo macallin oo haysta tababbar ku filan tiradaas oo mardhow la gaarsiin doonno 10 kun oo macallin, waxaanna la kala geeyay guud ahaan dalka magaalooyinka waaweyn illaa tuulooyin ku yaala goobo fog fog, waxaan ku dedaalaynaa in tiradan aan gaarsiino illaa 12,000 kun dhammaadka 2026-da,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku yiri qoraal uu soo saaray.
Sidoo kale, wuxuu xusay in markii ay xafiiska la wareegeen ay jireen 900 macallin oo keliya oo ku diiwaan-gashanaa shaqaalaha dowladda ee mushaar qaata, halka wax ka yar afar carruur ah midkood uu dugsi dhiganayay. Wuxuu caddeeyay in xaaladdaasi si weyn isu beddeshay haatan.
“Waanu ognahay in safarku uusan idlaan, dal leh baaxadda dalkeenna oo kale waxa uu u baahanyahay 120,000 kun oo macallimiin ah si loogu adeeggo carruurteenna, waxaan qirnay arrin aad u weyn taas oo ah in isbaddelka uu suurtogal yahay in nidaamyada dib loo yagleeli karo kalsoonida lasoo celin karo, qarankanna uu dib cagahiisa isugu taagi karo,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay.
Hoos ka aqriso qoraalka Xamza oo dhameystiran:
Natiijooyinka la taaban karo ee Dan-Qaran ee dhanka waxbarashada
Isbeddel dhab ah oo lagu sameeyo waxbarashadeenna waxa uu ahaa hadaf weyn oo Qaran, sababta oo ah asaaska horumarkeenna, sharafteenna iyo mustaqbalkeenna ayaa ku xiran waxbarasho tayo leh. Wax ka yar 45 billood ballanqaadyadii waxaan u baddelnay horumar, aragtiyadiina waxaan u baddelnay natiijooyin la taaban karo.
Markii aan xafiiska nimid, 900 macallin oo kaliya ayaa ku jirey diiwaanka Shaqaalaha Dowladda ee mushahaariga ah, halka wax ka yar hal cunug afartii cunug oo kastaba uu iskuul dhiganayay, iyada oo malaayiin carruur ah la iska hilmaamay balse maanta caqabadaasi aad bay isu badeshay.
Muddo ku siman labo sano gudahood, waxaa la shaqaalaysiiyay 6,000 kun oo macallin oo haysta tababbar ku filan tiradaas oo mardhow la gaarsiin doonno tobban kun (10.000) oo macallin, waxaanna la kala geeyay guud ahaan dalka magaalooyinka waaweyn illaa tuulooyin ku yaala goobo fog fog, waxaan ku dedaalaynaa in tiradan aan gaarsiino illaa 12,000 kun dhammaadka 2026-da.
Markii ugu horeysay taariikhdeenna dhow, mushahaarka macallimiinta ayaa gebi ahaanba laga bixiyaa dakhliga gudaha kasoo xarooda. Tani ma ahan kaliya siyaasad dowladeed, ee waa qaddiyad aan ku faanayno, waa qeyb ka mid ah gobonimadeenna taasi oo ka tarjumaysa Qaran cagahiisa ku taagan oo maalgashanaya mustaqbalkiisa.
Macallimiinteenna ma ahan kuwii hore ee la iska indho tiri jirey hadda waa la sharfaa, waxaana loo ogsoonyahay in ay yihiin dhaqdhaqaaqa wadnaha dalkeenna, iyo kuwa dhisaya mustaqbalkeenna dhabta ah, waxa aan sare u qaadnay heerka halbeegyadeenna waxaanna soo celinay rajadeenna.
Ku dhowaad 250,000 arday oo qalinjabisay, iyo 200,000 arday oo hadda waxbarashada ku jira ayaa ka diiwaangashan nidaamka tacliinta sare. Ardayda u fariisata imtixaamka dugsiyada sare oo ahaa 7,000 kun oo kaliya ayaa hadda maraya 39,000 oo arday, iyada oo meelaha imtixaamka looga fariistay markii ugu horeysay muddo 30 sano ah ay ka mid tahay magaalada Laascaanood, tani waxa ay ka tarjumeysaa midnimo, fursad iyo horumar isku lifaaqan.
Waanu ognahay in safarku uusan idlaan, dal leh baaxadda dalkeenna oo kale waxa uu u baahanyahay 120,000 kun oo macallimiin ah si loogu adeeggo carruurteenna, waxaan qirnay arrin aad u weyn taas oo ah in isbaddelka uu suurtogal yahay in nidaamyada dib loo yagleeli karo kalsoonida lasoo celin karo, qarankanna uu dib cagahiisa isugu taagi karo.
Waxa dhacay waa ka weynyihiin isbaddel, waa dib u cusboonaysiin tamar, Qaran dib u hannaanaya mustaqbalkiisa ayna ka go’antahay in ilmo kasta, meeluu doono ha joogee uu helo fursad uu wax ku barto, waxna ku hoggaamiyo.
