Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support DF Soomaaliya oo maalgashi shisheeye u raadinaysa dekedaha dalka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

DF Soomaaliya oo maalgashi shisheeye u raadinaysa dekedaha dalka


Addis Ababa (Adduun.com) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika oo ay isugu yimaadeen madax, ganacsato iyo wakiillo ka kala socday heer gobol iyo heer caalami.

Khudbaddiisa ayuu ku faah-faahiyay isbeddellada ay Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, isaga oo tilmaamay in la abuuray jawi u fududeynaya maalgashiga.

Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in dalka uu leeyahay fursado maalgashi oo ballaaran, gaar ahaan dhinaca dekadaha, isaga oo ugu baaqay maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka faa’iideystaan.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in beeraha iyo kalluumeysigu ay ka mid yihiin meelaha ugu muhiimsan ee ay ka jirto fursadda maalgashi.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhiirrigelinta ganacsiga iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye.

Intii uu shirka socday, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu kulamo gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda iyo daneeyayaasha ka qeyb-galay madasha ganacsiga Afrika oo ka qabsoomtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo dardargelinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard