Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay xirayso dadka… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay xirayso dadka…


Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shaaciyay in dowladdu ay joojin doonto lacago uu ku tilmaamay sharci-darro oo laga qaado beeralayda Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay in si qasab ah looga qaado dadka ka shaqeeya dhulka beeraha.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagahaas ay qaadaan dad loo yaqaan “gate keeper-ka,” kuwaas oo sida uu tilmaamay ka faa’iideysta duruufaha nololeed ee beerlayda, isla markaana ka qaata lacago si ay ugu xiraan hay’adaha gargaarka ama ugu sameeyaan kaarar ay ku helaan mucaawino.

Wuxuu wasiirku caddeeyay in dowladdu ay tallaabo adag ka qaadi doonto dadkaas, isla markaana la xiri doono cid kasta oo lagu helo inay lacago sharci-darro ah ka qaadaneyso beeralayda ama dadka danyarta ah ee ku nool dhulka beeraha.

“Lacagaha sharci darrada ah waa la joojinayaa, cid kasta oo dadka beeraha kasoo kaxaysa oo lacag ka qaadata oo buush u dhista si ay u helaan kaarar mucaawino ah, waa la xirayaa oo xabsi ayaa la gelinayaa,” ayuu yiri wasiirka Beeraha iyo Waraabka.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in ay jiraan dad si khiyaano ah uga faa’iidaysta beeralayda, kuwaas oo u sheega inay u raadinayaan fursado shaqo ama mashaariic horumarineed, balse markii dambe lacago ka qaata iyaga oo aan wax adeeg ah u qaban.

Wuxuu sheegay in arrimahaas ay dhibaato weyn ku hayaan horumarka beeraha dalka, isla markaana ay niyad-jab ku abuurayaan dadka doonaya inay ka shaqeystaan dhulkooda, taas oo hoos u dhigeysa wax-soo-saarka gudaha.

Dhanka kale, wasiirka ayaa ka digay xaalad adag oo ku saabsan amniga cuntada adduunka, isagoo sheegay in dagaallada caalamiga ah ay si weyn u saameeyeen sahayda cuntada iyo suuqyada caalamka.

Wuxuu tusaale u soo qaatay dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine iyo colaadaha ka jira Bariga Dhexe, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dalal badan oo ay Soomaaliya ku jirto, maadaama dalal badan oo cuntada laga keeni jiray ay yareeyeen wax-soo-saarkooda ama ay xaddideen dhoofinta.

Wasiirka ayaa xusay in xitaa dalal horey Soomaaliya uga iibin jiray cunnada ay mararka qaar diideen inay wax iibiyaan, gaar ahaan xilliyadii ay jireen dhibaatooyinka waaweyn sida cudurka COVID-19, markaas oo dal walba uu mudnaanta siiyay dadkiisa.

“Waxaa dhici karta in qof haysta hanti badan uu gaajo u dhinto haddii sahayda cuntada ay yaraato,” ayuu yiri wasiirka, isaga oo ka digay khatarta ka iman karta haddii aan la kordhin wax-soo-saarka gudaha.

Wasiirka Beeraha ayaa sheegay in dowladdu ay hadda diiradda saareyso sidii loo xoojin lahaa wax-soo-saarka gudaha, loona dhiirrigelin lahaa beerlayda Soomaaliyeed, si dalka u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah.

“Dowladdu waxay isku dayaysa inay isu dheellitirto badbaadinta nolosha dadka iyo ilaalinta wax-soo-saarka dalka, halka markii hore mudnaanta la siin jiray badbaadinta nafaha, hadda waa in dib loo soo nooleeyo beeraha iyo wax-soo-saarka gudaha si looga hortago dhibaatooyin mustaqbalka ka dhasha cunno yari,” ayuu yiri wasiirka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard