Connect with us

News

DF oo soo saartay baaq qaran oo ku socda beesha…


Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta kaga hadlay xaaladda daran ee abaaraha dalka ka jira, waxa ayna soo saareen baaq qaran oo ku socda bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan. Sida lagu xaqiijiyay warbixinta, abaartu waxay saameysay in ka badan 74 degmo, ku dhowaad 4.8 milyan oo qof.

Sidoo kale waxa barakacay in ka badan 200,000 qof, halka in ka badan laba milyan oo xoolo ahna ay si ba’an u saameysay abaartu. Arrintan ayaa si toos ah u halis gelisay amniga nolosha, cunnada, iyo maciishadda shacabka Soomaaliyeed.

“Golaha Wasiirradu waxa uu baaq qaran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, beesha caalamka, hay’adaha samafalka, iyo saaxiibada caalamiga ah si ay si mug leh uga jawaabaan baahiyaha bani’aadannimo ee ka dhashay abaarta.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Baaqa xukuumadda

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankiisii caadiga ahaa, isla markaana si qoto dheer u falanqeeyey warbixinta xaaladda abaarta ee ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso.

Warbixintu waxay muujisay in abaartu ay sabab u tahay yaraanta ama maqnaanshaha roobabkii deyrta, taas oo keentay saameyn baaxad leh oo ku dhacday nolosha dadka, iyo xoolaha.

Sida lagu xaqiijiyay warbixinta, abaartu waxay saameysay in ka badan 74 degmo, ku dhowaad 4.8 milyan oo qof, iyadoo ay barakaceen in ka badan 200,000 qof, halka in ka badan laba milyan oo xoolo ahna ay si ba’an u saameysay. Arrintan ayaa si toos ah u halis gelisay amniga nolosha, cunnada, iyo maciishadda shacabka Soomaaliyeed.

Kadib gorfeyn qoto dheer, Golaha Wasiirradu waxa uu si cad u qeexay in xaaladda abaartu ay gaartay heer aad u daran oo u baahan gurmad heer Qaran ah, isku-duubni, iyo jawaab mideysan oo heer dowladeed iyo mid bulsho leh. Golaha Wasiirradu waxa uu adkeeyay in abaartu tahay arrin mudnaan qaran leh, loona baahan yahay in si wadajir ah loola tacaalo.

Sidaas darteed, Golaha Wasiirradu waxa uu baaq qaran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed si ay uga qeybqaataan gurmadka, is-garab istaagga, iyo taakuleynta dadka walaalahood ah ay abaartu saameysay; sidoo kalena, waxey baaq caalami ah u jeedinayaan beesha caalamka, hay’adaha samafalka, iyo saaxiibada caalamiga ah si ay si mug leh uga jawaabaan baahiyaha bani’aadannimo ee ka dhashay abaarta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa faray dhammaan hay’adaha ay quseyso arrinta abaartu, gaar ahaan hay’adaha fulinta iyo kuwa gargaarka, in ay xoojiyaan dadaallada gurmadka ah; mideeyaan qorsheyaasha iyo howlgalka; isla markaana ay mudnaanta koowaad siiyaan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.

Xukuumaddu waxa ay mar kale ku celinaysaa go’aankeeda ah in ay si buuxda uga go’an tahay wax ka qabashada abaarta, iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo yareeyo saameynta musiibadan loona badbaadiyo nolosha iyo mustaqbalka dadka Soomaaliyeed.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News