Muqdisho (Adduun.com) – Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee lagu jabiyay Al-Shabaab ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha dib loo doortay ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo guddoomiyaha golaha wakiilada Cali Saciid Fiqi.
Ugu horreyn Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaas lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo Shabaab ahaa, sidoo kalena lagu burburiyay jidgooyooyin ay kooxda ku lahayd aagga Daynuunaay ee gobolka Baay.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya oo Cabdicasiis Lafta-gareen ku tilmaamtay hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in isaga iyo Cali Saciid Fiqi ay xiriir la leeyihiin Khawaarijta, isla markaana ay warar been abuur ah ka faafiyeen howlgalkii maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka war haysaa in hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada, Cali Saciid Faqi, ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Khawaarijta. Iyagoo fulinaya heshiisyo ay la galeen, waxay maanta faafiyeen warar been abuur ah oo ka dhan ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Ciidanka Qaranka, isla markaana difaacaya maleeshiyaadka Khawaarijta ee lagu jebiyay dagaalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa una beeninaysaa ficillada iyo hadallada shaqsiyaadkaas, iyadoo lagula xisaabtami doono iyaga iyo cid kasta oo kale oo ku lug yeelata falalka argagixisanimo ee noocan oo kale ah”.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;-
Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, oo ku guda jira hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-03-2026, waxa ay cagta mariyeen jidgooyooyin u yaallay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku sugnaa nawaaxiga deegaanka Daynuuney ee Gobolka Bay.
Hawlgalkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka mid ah Khawaarijta, iyadoo sidoo kale lagu guulaystay in la burburiyo isbaarooyinkii ay halkaas ka sameysteen.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka war haysaa in hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada, Cali Saciid Faqi, ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Khawaarijta. Iyagoo fulinaya heshiisyo ay la galeen, waxay maanta faafiyeen warar been abuur ah oo ka dhan ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Ciidanka Qaranka, isla markaana difaacaya maleeshiyaadka Khawaarijta ee lagu jebiyay dagaalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa una beeninaysaa ficillada iyo hadallada shaqsiyaadkaas, iyadoo lagula xisaabtami doono iyaga iyo cid kasta oo kale oo ku lug yeelata falalka argagixisanimo ee noocan oo kale ah.
Dowladdu waxay sidoo kale u mahadcelinaysaa Saaxiibada Caalamka ee taageerada hagar la’aanta ah siiya Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
DHAMMAAD

