Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support DF oo shaqada ka joojisay diyaarado ka howlgala Soomaaliya + Sababta - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

DF oo shaqada ka joojisay diyaarado ka howlgala Soomaaliya + Sababta


Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqday in shaqada ay ka joojiyay diyaarado ka howlgalayay Soomaaliya, kuwaas oo buuxin waayey shuruudihii looga baahnaa ee dhanka badqabka.

Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu soo qaaday arrintan, iyada oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay gaysay warbixin dhammeystiran iyo tallaabada ay ka qaaday diyaaradaha laga joojiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

“Golaha ayaa warbixinno ka dhagaystay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kuwaas oo ku saabsanaa saameynta bacaadka uu ku yeeshay dalka, iyo xaaladda diyaaradaha ka howlgala gudaha Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaraddu oo shaqada lagaga joojiyey diyaarado dhamaystiri waayey shuruudihii looga baahnaa ee dhanka badqabka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa guddi loo saaray kasoo talo-bixinta iyo baarista tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan, kuwaas oo golaha usoo bandhigi doona warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda diyaaradaha dalka.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo hagaysa jihada iyo mudnaanta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo danaha Qaranka.

Si kastaba, Indhowaanahan ayaa waxaa isa soo tarayay cabashooyin laga muujinayay qaar kamid ah diyaaradaha ka howlgala garoonka Muqdisho, kuwaas oo duugoobay, maadaama ay shaqeynayeen muddo aad u dheer.

Waxaa sidoo kale dhowr jeer dhacday in qaar kamid ah diyaaradahaas ay soo wajahday cilado sababay in ay halis galaan qaar kamid ah rakaabka, waxaana kamid ah shilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay garoonka Aadan Cadde.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard