Washington (Adduun.com – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweysay kororka baaxadda leh ee hawlgallada milateri ee Mareykanku ka wado gudaha dalka, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo “muhiim u ah jiritaankeeda”, xilli aysan waxba ka soo qaadin hadallada kulul iyo jarista gargaarka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump.
Inkastoo Washington ay u hakisay gargaarkii raashinka, isla markaana ay soo saartay digniino diblamaasiyadeed oo adag, haddana mas’uuliyiinta Muqdisho waxay ku adkeysanayaan in iskaashiga amniga ee kala dhexeeya Mareykanka uu marayo meeshii ugu sarreysay abid.
“Mareykanku wuxuu weli yahay saaxiib muhiim ah oo aan kala shaqeyno iskaashiga amniga,” ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, Daahir Xasan Cabdi, oo la hadlay warbaahinta Vox ee Mareykanka. Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay diiradda saareyso “iskaashiga dhabta ah ee lagu gaarayo yiigsiga guud.”
Hadalladan ayaa ka tarjumaya xisaabtan siyaasadeed oo dhanka dowladda Soomaaliya ah, taasoo u muuqata inay go’aansatay inay u dulqaadato isbed-beddelka siyaasadeed ee Washington si ay u hesho taageerada dhanka cirka ah oo la sheegay inay tahay tii ugu xooganeyd taariikhda ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya.
Madaxweyne Trump ayaa fagaarayaasha ka weeraray Soomaaliya, isagoo dadka soo galootiga ah ee Soomaalida ku tilmaamay “qashin” hadal-jeedin uu sameeyay 2-dii bishii Diseembar. Hase yeeshee, milateriga Mareykanka ayaa si aamusnaan ah u kordhiyay hawlgalladooda heer aan la arag muddo tobanaan sano ah.
Sida ay muujineyso xogta la helay, ciidamada Mareykanka ayaa sanadkii tagay ee 2025 fuliyay 125 duqeymood oo dhanka cirka ah iyo hal hawlgal oo dhulka ah, tiradaas oo laba jibaar ka badan wadarta guud ee hawlgalladii la fuliyay muddadii uu xilka hayay madaxweyne Joe Biden.
Xowliga hawlgallada ayaa sii kordhay sanadkan 2026. Tan iyo 1-dii bishii Janaayo, Mareykanku waxa uu fuliyay 28 hawlgal, taasoo ka badan wadarta sanadlaha ah ee maamulladii hore qaarkood.
Danjire Daahir ayaa meesha ka saaray in khilaafka siyaasadeed ee hadallada Trump uu saameyn ku yeelanayo xiriirka labada dal, isagoo sheegay in Muqdisho “aysan hadallada siyaasadeed u qaadanin siyaasad rasmi ah.” Waxa uu tilmaamay in wiiqitaanka awoodda argagixisada ee magaalooyinka waaweyn ay tahay caddeynta in xiriirku uu miro-dhal yahay.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodeysa in dallada amni ee Mareykanka ay suurto-gelisay tallaabo dimoqraadiyadeed oo taariikhi ahayd dhammaadkii sanadkii hore. 25-kii Diseembar 2025, dadweynaha Muqdisho ayaa codkooda dhiibtay doorashooyinkii golaha deegaanka, taasoo ahayd markii ugu horreysay muddo 50 sano ah oo codbixin qof iyo cod ah laga sameeyo caasimadda, oo amnigeeda uu aad u hagaagay.
Si kastaba ha ahaatee, xiriirka ayaa wajahaya caqabado dhanka bani’aadannimada ah. 7-dii bishan Janaayo, 2026, Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii raashinka ee Soomaaliya kadib eedeymo la xiriira in mas’uuliyiin maxalli ah ay la wareegeen bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee dekedda Muqdisho.
Mareykanka ayaa ku eedeeyay in 76 tan oo raashin ah oo loogu talagalay carruurta nafaqo-darrada haysato la dhacay – eedeyntaas oo Muqdisho ay beenisay. Gargaarka ayaa dib loo fasaxay horraantii bishan kadib markii la soo celiyey raashinka
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli maamulka Trump uu bishii Nofeembar sidoo kale ku dhawaaqay in la joojinayo Maqaamka Ilaalinta Kumeel-gaarka ah (TPS) ee Soomaalida ku nool Mareykanka, iyadoo kumanaan qof lagu amray inay dalkaasi uga baxaan ka hor 17-ka Maarso 2026, haddii kale ay wajihi doonaan masaafuris.
Inkastoo ay jirto xiisaddaas, iskaashiga milateri wuxuu u muuqdaa mid aan saameyn ku yeelan. Hawlgalladii ugu dambeeyay waxaa kamid ahaa duqeyn lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaaliya (ISIS-Somalia) ee buuraha Golis 1-dii bishan Febraayo.
Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in istiraatiijiyadda “Amniga oo kaliya” (Security-first) ay fashilmi karto haddii aan wax laga qaban dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo maamul wanaagga.
Cumar Maxamuud, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan International Crisis Group, ayaa yiri: “Dowladda Soomaaliya waxay joogtaa meel fiican oo aysan ka dhici karin,” balse wuxuu ka digay in guulaha la gaaray ay dib u noqon karaan haddii taageerada aan milateriga ahayn ay yaraato.
Joshua Meservey oo ka tirsan Hudson Institute ayaa isna shaki geliyay in duqeymaha oo kaliya ay keeni karaan xasilooni waarta. “Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya waa maqnaanshaha maamul maxalli ah oo tayo leh oo sharciyad haysta,” ayuu yiri.
Waqtigan xaadirka ah, Muqdisho waxay u muuqataa inay indhaha ka qarsaneyso hadallada Trump, inta ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku sii wadaan inay xakameeyaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
