Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Daynuunaay, oo qiyaastii 18 KM u jira magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Dagaalkan oo u dhexeeyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya kuwa deegaanka, iyo kooxda Al-Shabaab, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga sheegtay in ciidamadeedu si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Daynuunaay, oo ah marin muhiim ah oo isku xira waddada Baydhabo iyo Muqdisho.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi uu sababay dhimashada 21 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaarka Daynuunaay ee gobolka Baay, kadib markii ay isku dayeen inay weerar gaadmo ah ku qaadaan ciidamada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dagaalka ayaa ahaa mid aad u culus, waxaana qayb ka ahaa duqeymo ay fuliyeen saaxiibada caalamka, kuwaas oo taageerayay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee la dagaallamayay Al-Shabaab.
Dhanka kale, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa haatan kusii wajahan magaalada Baydhabo, sida uu sheegay afhayeenka Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen John.
“Gacanta ayaan ku haynaa Daynuunaay, hadda waxaan u sii soconnaa dhanka magaalada Baydhabo,” ayuu yiri Afhayeen Maxamed Xuseen John.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale si weyn u hakaday isku socodkii dadweynaha ee deegaannada maamulka, gaar ahaan gaadiidkii geli jiray magaalada Baydhabo.

