Sokhumi (Adduun.com) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan la sheegay in wakiillo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gooni u goosadka ee Abkhazia, oo ka tirsan dalka Georgia.
Kulankan ayaa la sheegay inuu ka dhacay magaalada Sokhumi intii u dhaxeysay 3–4 Abriil, xilli halkaas lagu qabtay shir dhaqaale oo caalami ah oo ay soo qaban-qaabiyeen mas’uuliyiinta maamulkaasi, sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Abkhazia.
Wararka ayaa tilmaamaya in wafdiga Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb-galay ay ku jireen laba xubnood oo lagu kala magacaabo Ismaaciil Xasan Nuur iyo Muna Aadan Cabdi, oo aan si rasmi ah loo caddeyn heerka ay ka joogaan dowladda.
Sida ay qortay warbaahinta maxalliga ah ee Apsnypress, xubnaha wafdiga Soomaaliya ayaa muujiyay baahida loo qabo in la dhiso xiriir diblomaasiyadeed oo dhexmara labada dhinac, taas oo noqon karta tallaabo cusub oo ku saabsan is-dhexgalka mustaqbalka.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta Abkhazia ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Soomaaliya, iyagoo sheegay in ka qeybgalka shirka uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojin karo xiriirka labada dhinac, isla markaana ay rajeynayaan in tani noqoto bilow iskaashi ballaaran.
Mas’uuliyiinta maamulkaas ayaa sidoo kale tilmaamay in Abkhazia ay leedahay awood ciidan oo diyaarsan, isla markaana ay horumar ka sameyneyso dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka, iyagoo taageero ka helaya Ruushka oo ay ku tilmaameen xulafo istaraatiiji ah.
Waxa kale oo ay sheegeen in gobolka uu leeyahay fursado muhiim ah oo dhinaca gaadiidka iyo dekedaha ah, iyadoo la horumarinayo kaabayaal dhaqaale, halka furitaanka garoonka diyaaradaha ee Sokhumi uu sare u qaadayo rajada horumarineed ee mustaqbalka.
Abkhazia ayaa carrabka ku adkeysay inay u furan tahay iskaashi caalami ah, isla markaana ay dooneyso inay xiriir saaxiibtinimo la sameyso dal kasta oo diyaar u ah wada-hadal wax dhisaya iyo iskaashi dhaqaale.
Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah uma aqoonsana Abkhazia inay tahay dal madax-bannaan, mana jiro war rasmi ah oo weli kasoo baxay oo la xiriira arrintaan, inkastoo ay soo baxayaan xogo hoose oo sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda baaris ku hayso shaqsiyaadka ka qeyb-galay shirkaas.
Inta badan waddamada dunida ayaa Abkhazia u arka inay ka tirsan tahay dhulka Georgia, inkasta oo ay jiraan dalal kooban oo aqoonsaday madax-bannaanideeda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ruushka, Nicaragua, Venezuela, Nauru iyo Suuriya.
Shirkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada maamulka Abkhazia uu ku doonayo inuu ku ballaariyo xiriirradiisa diblomaasiyadeed, inkasta oo weli ay jirto muran caalami ah oo ku saabsan xaaladdiisa sharci iyo madax-bannaani.
