Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday bilaabashada hawlgal cusub oo loogu magac daray “Hawlgalka Hillaac”.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in hawl-galkan yu maanta si rasmi ah u daahfuray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo lagu tilmaamay mid ka mid ah qorshayaasha ugu waaweyn ee lagu sugayo amniga dalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in hawlgalka si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xoogga Dalka, ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan kuwa Uganda, iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya.
Ciidamadan iskaashanaya ayaa bilaabay hawl-gallo qorsheysan oo lagu burburinayo saldhigyada muhiimka ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab, laguna beegsanayo xarumaha ay ka abaabulaan weerarrada iyo falalka amni-darrada ah.
Sidoo kale, hawlgalka ayaa lagu jarayaa marinnada iyo isku-socodka ay kooxda u adeegsato dhaq-dhaqaaqyadeeda, si loo wiiqo awooddeeda militari loona sifeeyo haraadiga maleeshiyaadka ku harsan deegaannada ay weli ku sugan yihiin.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaantay in ujeedka ugu weyn uu yahay xaqiijinta nabadda shacabka iyo sugidda amniga goobaha wax-soo-saarka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah dalka.
Wasaaraddu waxay sidoo kale bogaadisay geesinimada iyo naf-hurka Ciidanka Qaranka, kuwaas oo iyagoo gudanaya waajibaadkooda xilli lagu jiro bisha soonka, sii wada dadaallada lagu xoraynayo dalka.
Ugu dambeyntiina, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa caddeysay in “Hawlgalka Hillaac” uu sii socon doono ilaa si buuxda looga ciribtiro waxa ay ku tilmaantay Khawaarijta caqabadda ku ah nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya.

SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaasadii Masar ku beertay ciidanka ISR |
SIRDOON & QISO
Shabakadii BASAAS ee Kalkaalisada ka aheyd ka GAZA |
