News
DF oo cafis u fidisay ciidankii Asluubta ee ka qayb-qaatay dagaalkii Baydhaba + Video
-
-
by
Sacdio
Muqdisho (Adduun.com) – Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta ee Koonfur Galbeed oo ka qayb-galay dagaalkii ka dhacay Baydhaba, iyagoo la saftay maamulkii laga adkaaday ee madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Xaamud ayaa sheegay in weli askartaas ay ku maqan yihiin bannaanka Baydhaba, qaarkoodna ay ku dhuumanayaan guryo ka yaalla magaalada dhexdeeda, isaga oo fariin u diray, uguna baaqay inay soo laabtaan.
“In la’is cafiyo ayaan rabnaa cid allaala cidii ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka Asluubta Koonfur Galbeed ee shaqaaqadan qayb ka noqotay ama bannaanka jooga ama guri ku xiran hasoo baxo” ayuu yiri taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaliyeed.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Wixii khalad dhacay waa la wada saxaa laakiin inaan maqlo ma rabi askari Asluubta ah ayaa baxay qoray ayuu qaatay inta la aaday war adiga qabiil muxuu ku taraa? waxbane qaranimadaan iyo maamulkan ayaa wax ku taraayo”.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed ay cafisay, ayna sii wadan karaan shaqadooda, maadaama uu dhacay isbeddel maamul.
“Risaaladeenna waxaa waayay ka talis asluub ahaan cid alaalaha ciddii dhex gashay arrintaas waxba looma haysto waa cafis iyo ma saamax marka hasoo laabtaan shaqadooda ha wataan” ayuu mar kale yiri Taliye Xaamud.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda Baydhaba ay dagan tahay, isla markaana uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo wadatashi ah ka wada magaaladaasi, si loogu diyaar garoobo doorashooyin, loona helo hoggaan rasmi ah oo beddela maamulkii hore.
Si kastaba, dowladda dhexe ayaa horay u sheegtay in uusan jiri doonin beegsi iyo aargudasho lagula dhaqaaqo ciidanka iyo dadkii la shaqeynayay maamulkii hore ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Cabdicasiis Lafta-gareen.
