Ankara (Adduun.com) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in xoojinta taageerada milateri ee Turkiga iyo hubka cusub ee la keenay magaalada Muqdisho ay yihiin falcelin toos ah oo ka dhan ah aqoonsigii muranka dhaliyay ee ay dowladda Israa’iil dhowaan siisay Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, oo ka qayb-galayay madal looga hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu qabtay Xafiiska Isgaarsiinta Madaxtooyada ee Ankara, ayaa sheegay in iskaashiga Muqdisho iyo Ankara uu yahay mid soo jireen ah oo aan ku xirneyn dhacdooyinka siyaasadeed ee hadda taagan.
“Soomaaliya iyo Turkiga waxay muddo dheer lahaayeen iskaashi milateri oo salka ku haya la-dagaalanka Al-Shabaab, waxa hadda socdana waa qayb ka mid ah heshiisyadaas horey u jiray,” ayuu u sheegay wargeyska Cumhuriyet, isagoo si cad u beeniyay falanqaynta khubarada qaar oo dhaq-dhaqaaqa Turkiga ku xiray arrinta Israa’iil.
Wasiirka ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, isagoo xusay in hoggaamiyaha Turkiga uu dhowaan safar uu ku tagay dalka Itoobiya si cad uga sheegay in Somaliland ay tahay qayb aan go’I karin oo ka tirsan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa unkamay sanadkii 2011-kii, markaas oo Erdoğan uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqda Muqdisho muddo labaatan sano ah, taas oo horseedday maalgashi lixaad leh iyo dhismaha saldhigga weyn ee Camp TURKSOM sanadkii 2017.
Falanqeeyayaasha istaraatiijiyadda ayaa aaminsan in Turkiga, oo diiddan siyaasadda Israa’iil ee Bariga Dhexe, uusan marnaba raalli ka noqon doonin in Tel Aviv ay saameyn ku yeelato Geeska Afrika, gaar ahaan badda cas iyo Gacanka Cadmeed.
Go’doominta aqoonsiga Somaliland
Go’aankii ay Israa’iil bishii Diseembar ee 2025 ugu aqoonsatay Somaliland qaran madax-bannaan, ayaa kiciyay duufaan diblamaasiyadeed oo gilgishay gobolka. Tallaabadaas, oo daba socotay is-fahamkii muranka dhaliyay ee ay Itoobiya la gashay Hargeysa bishii Janaayo 2024, ayaa wajaheysa diidmo caalami ah.
Dowladda Soomaaliya oo qaadday olole diblomaasiyadeed oo ballaaran ayaa taageero buuxda ka heshay beesha caalamka. Aqoonsiga Israa’iil ayaa waxaa si rasmi ah u cambaareeyay oo diiday, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Masar, Jaamacadda Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Somaliland, oo ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sanadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ayaa in ka badan 30 sano lahayd nidaam u gaar ah, lacag, ciidan, iyo boolis. Hase yeeshee, waxay ku jirtay go’doon dublamaasiyadeed oo aan la aqoonsanayn, ilaa ay Israa’iil qaadday tallaabadan oo haatan sii murjisay xaaladdii siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika.
