Baydhabo (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bandow habeenkii ah ka dhaqan-gelisay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Bandowgan ayaa saameynaya dhaq-dhaqaaqa shacabka inta lagu jiro saacadaha habeenkii. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo sugidda amniga iyo xasilloonida magaalada.
Sidoo kale, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa mamnuucay in hub lagu dhex qaato gudaha magaalada Baydhabo, iyadoo laga reebay oo keliya ciidamada ammaanka sida booliska iyo hay’adda NISA, kuwaas oo si buuxda loogu oggolaaday inay gutaan waajibaadkooda shaqo.
Go’aankan cusub ayaa imanaya xilli ay sare u sii kacayeen walaacyada la xiriira amniga, kadib isbeddello siyaasadeed oo dhowaan ka dhacay dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo sababay xiisado u baahan in si dhow loola socdo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo, ayaa kulamo la qaatay saraakiisha kala duwan ee booliska, isagoo si cad u faray in si adag loo dhaqan-geliyo awaamiirta cusub ee amniga.
Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in aan gabi ahaanba la aqbali doonin in qof shacab ah uu hub ku dhex qaato magaalada habeenkii, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarkan.
Sidoo kale, waxaa la faray ciidamada ammaanka inay kordhiyaan roondooyinka habeenkii, si loo xaqiijiyo in amniga si joogto ah loo ilaaliyo, isla markaana looga hortago falal kasta oo lid ku ah nabadgelyada magaalada.
Waxaa sidoo kale la adkeeyay baaritaanka gaadiidka iyo dadka soo galaya ama ka baxaya Baydhabo, iyadoo la doonayo in si buuxda loo hubiyo ammaanka iyo in laga hortago wax kasta oo khatar gelin kara xasilloonida.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si gaar ah loogu xil-saaray sugidda amniga gudaha magaalada, halka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka howlgeli doonaan hareeraha Baydhabo, si ay u xoojiyaan difaaca guud ee magaalada iyo deegaannada ku xeeran.
