Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka, oo saameyn weyn ku yeeshay gaadiidleyda oo maalmahan cabasho ka muujinayay, maadaama ay saameysay shaqadooda.
Ku-simaha wasiirka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda batroolka iyo macdanta ee XFS Xildhibaan Cabdiwahaab Cabdi Cumar (Caananuug) oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in ay la kulmeen ganacsatada, isla markaana ay kala hadleen xaaladaha soo kordhay.
Caananuug ayaa sheegay in ganacsatadu ay ka dhageysteen warbixin ku aadan shidaalka, ayna u sheegeen in helitaankiisa uu noqday mid adag, isla markaana ay ku helaan qiimo aad u sarreeya, taas oo keentay sicir bararka.
“Muwaadiniinta sharafta leh waxaan u caddeyneynaa in wasaaradda batroolka wadatashi iyo wada-hadal marka ay la yeelatay ganacsatada kadib oo ay dhageysteen ganacsatada iyo dhibaatooyinka lasoo darsay xaaladaha uu adduunka ku jiro maanta, gaar ahaan bariga dhexe waxay noo sheegeen dhibaatooyinkii ay qabeen, waxaana kamid ah in helitaanka shidaalka uu dhib noqday wixii ay heleena qarashka ay ku heleen uu aad qaali u yahay” ayuu yiri Caananuug.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in ka wasaarad ahaan ay ka codsadeen in loo dhimriyo shacabka, isla markaana aan looga faa’iideysan daruufta jirta.
“Sidaas daraadeed waxaan ka codsanay ka wasaarad ahaan inay u dhimriyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed wax ka badan waxa ay qaadi karaana aan la dul saarin, haddii ay ku helaana shidaalka qiimaha ugu macquulsan in ay hoos u dhigaan” ayuu sii mar kale yiri wasiirku.
Waxaa kal oo u sii raaciyay “Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan iyadoo waddanku ku jiro xaalad abaar ah oo aad u saameysay dhinac walba in ayna macaash ka badan macaashka xalaasha u ah ayna maanta daruufaha jira aawadood uga faa’iideysanin”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan caasimadda Muqdisho ay wajaheyso saameyn lama filaan ah oo dhanka dhaqaalaha ah, oo kaga imaaneysa dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan. Qiimaha shidaalka ayaa tan iyo dagaalka cirka isku shareeray qiyaastii 77%, iyada suuqyada Muqdisho laga soo warinayo isbeddel lixaad leh oo ku yimid kharashka ku baxa tamarta.
Maalmo uun ka hor, halkii liitar ee shidaalka baasiinka ah ayaa si xasiloon loogu kala iibsanayay $0.65 (Senti). Si kastaba ha ahaatee, laga soo bilaabo fiidnimadii Jimcaha, qiimaha kaalmaha shidaalka ee magaalada ayaa gaaray $1.5, arrintaas oo darawalada gaadiidka ku reebtay la-tacaalidda xaqiiqadan cusub ee adag.
