Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Deni oo la kulmay saraakiil ka socota Itoobiya + Ujeedka - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Deni oo la kulmay saraakiil ka socota Itoobiya + Ujeedka


Garoowe (Adduun.com) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay qunsulka Itoobiya ee Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dalkaasi.

Kulanka oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka kooxaha argagixisada, iyo horumarinta iskaashiga gobolka.

Saciid Deni ayaa wafdiga Itoobiya uga mahad-celiyey booqashadooda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta labada dhinac, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga mandaqadda.

Dhankooda wafdiga Itoobiya ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leeyihiin dowlad-goboleedka Puntland.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo qarsoodi ahaa oo uu dhawaan Saciid Deni la yeeshay saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo booqasho ku yimid magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Si kastaba, kulamadan ayaa imaanaya ayadoo oo haatan dhaq-dhaqaaqyo xoogleh laga dareemayo gudaha Soomaaliya, maadaama ay jiraan siyaasado is-diidan oo u dhexeeyo Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah Dowlad-goboleedyada dalka.

Itoobiya ayaa saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana sidoo kale ciidamo ay ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo ka howlgala magaalooyin muhiim ah sida Baydhaba oo ay ka taagan tahay xiisadda culus.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard