Garoowe (Adduun.com) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay Garoowe ayaa si adag ugu jawaabay Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah shaqsiyaadka aad u taageero Xasan Sheekh.
Saciid Deni ayaa ka fal-celiyay hadal dhawaan kasoo yeeray Sheekha oo soo jeediyay in Dowladda Federaalka ay farogeliso maamul-goboleedyada, ayna dalka u xukunto gobol gobol, sida ka dhacday oo kale Koonfur Galbeed.
“Waxaan xalay dhageystay nin beryahan warkiisu joogsan waayay oo Cali Wajiis la yiraahdo oo madaxweynaha la-taliye ayaan u ahay dhahay, qaraabana la’ah inkastoo kii yimaadana la joogo hadhow inuu isbeddelo aan maleyn doono hadba qofkii joogo uu yahay” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Sidoo kale, wuxuu Deni sheegay in arrintan uu Cali Wajiis uu la qabo madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay tahay wax laga xumaado.
“Hadda-hadalladiisa afkiisa kasoo baxaya oo dhammaan ku talinaayo deegaannadii iyo maamulka Puntland ee muddada la dhisaayay yiri in DFS ay gobol gobol dalka u xukuntaa sidaas Cali Wajiis ku hadlay waa midda uu qabo madaxweyne Xasan Sheekh anaana marqaati ka noqonaayo” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Ha ogaadaano waxa ay dadka Soomaaliyeed heshiis ku yihiin ayay meel ku wada joogaan Puntland tan iyo markii ay aas-aasantay waxaa salka loo dhigay inuu shaqeeyo nidaamka dowliga ah”.
Deni ayay marar badan jeediyay hadallo kul-kulul ugu jawaabay madaxda qaranka iyo shaqsiyaadka taageera ee sida wayn uga difaaca baraha bulshada, maadaama ay isku hayaan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka.
